berberatoday.com
Maxamed C/llaahi Cumar, Porf. Cabdi Ismaacil Samatar Iyo Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan Oo Olole Ugu Jira Wasiirka Arrimaha Dibedda Dawlada Xamar Iyo Raysal Wasaare Kuxigeen
March 1, 2017 - Written by Berbera Today
Muqdisho(Berberatoday.com)-Ra’iisal-wasaaraha cusub ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre, ayaa Arbacada Berri hortegi doona Golayaasha Baarlamaanka Federaalka (Aqalka sare iyo Aqalka hoose); si ay u siiyaan Codka Kalsoonida oo ay u ansixiyaan, waxaanu markaas ka dib soo dhisi doonaa ama soo magacaabi doonaa Xukuumad cusub, waxaana maalmihii u dambeeyey Muqdisho laga dareemayaa dhaqdhaqaaqyo Siyaasiyiin iyo Dad damac lihi ugu jiraan xilalka uu Khayre magacaabi doono.
DR. MAXAMED CABDILLAAHI CUMAR OO U ORDAYA WASIIRKA ARRIMAHA DIBEDDA SOOMAALIYA 2017
Xubno badan oo Siyaasiyiin hore iyo Siyaasiyiin socod-barad ahba isugu jira, ayaa lagu soo warramayaa inay xilalka Wasiirrada si xooggan ugu ordayaan, waxaana la hadal-hayaa Xubno Somaliland ka soo jeeda dhalasho ahaan, qaarkoodna xilal ka soo qabteen Somaliland oo lagu wado ama loo badinayo inay Kuraas ka helaan Xukuumadda cusub ee Soomaaliya ee uu soo dhisi doono Raysal-wasaare Xasan Cali Khayre maalmaha soo socda haddii uu codka Kalsoonida ka helo Xildhibaannada Baarlamaanka.
Ila-wareedyo rasmi ah oo uu Wargeyska Ogaal ka helay magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, ayaa tibaaxay in Raysal-wasaaraha cusub ee uu Madaxweyne Farmaajo Khamiistii toddobaadkii hore xilkaas u magacaabay ku mashquulsan yahay kala xulashada Xubnaha uu magacaabi doono iyo ololaha uu ugu jiro Mudanayaasha Baarlamaanka ee uu kaga xod-xodanayo inay siiyaan Codka Kalsoonida oo ay ansixiyaan Arbacada Berri.
Waxay ila-wareedyadu intaas ku ladheen in Jagada orodka ugu badan loogu jiraa tahay Wasaaradda arrimaha dibedda iyo Xilka Ku-xigeenka Raysal-wasaaraha, taasoo ay u ordayaan Xubno ka soo jeeda Somaliland. Inkasta oo Warku sheegayo in Xubno badani u ordayaan jagadaas oo inta badan isa-saar noqota, iyo haddii la kala qaada-ba, haddana in Xubnaha ugu cad-cad ee sida wayn loo hadal-hayo ay ka mid yihiin Wasiirkii hore ee arrimaha dibedda Somaliland Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar, Prof: Cabdi Ismaaciil Samatar oo ah Aqoonyahan deggan Maraykanka oo u dhashay Somaliland. Hase-yeeshee, si weyn u taageera Qaddiyadda Midnimada Soomaaliweyn, ahaana Guddoomiyaha Guddigii Anshaxa doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ee 8-dii bishan ka qabsoontay Muqdisho.
Haddaba, Maxamed Cabdillaahi Cumar oo la sheegay inuu ku jiro labada Xubnood ee ugu hadal-haynta badan Muqdisho, isla markaana la sheegay inay Farmaajo ku kulmeen magaalada Nairobi waqtigii uu ololaha doorashada ku jiray Madaxweyne Farmaajo, ayaa ka tirsan Xisbiga talada Somaliland haya ee Kulmiye, waxaanu markii ugu horreysay Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland uu u magacaabay Madaxweyne Siilaanyo 28 Julay 2010 markii uu ku dhawaaqay Golihiisii Wasiirrada ee ugu horreeyey, balse waxa xilkaas laga beddelay dhammaadka 2013-kii oo loo magacaabay Wasiirka Ganacsiga iyo Maalgashiga Caalamiga ah ee Somaliland, waxaana xilkaas laga qaaday badhtamaha 2015-kii markii uu Madaxweynaha kaga soo horjeesta khilaaf ka dhex-qarxay Madaxtooyada iyo Madaxda Xisbiga Kulmiye.
Hase-yeeshee, bishii October 2014-kii, ayaa Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar ku guulaystay in loo qaato Mashruuc lagaga hawlgalayo xallinta khilaafaadka iyo murannada siyaasadeed ee ka taagan dalalka Afrika, sida Koonfurta Sudan, Soomaaliya, Badhtamaha Afrika, Congo iyo waddamo kale oo Qaaradda Afrika ka tirsan oo uu Midawga Yurub wado maalgelintiisa, isla markaana Ururka Midawga Afrika ay ka wada-shaqaynayeen, waxaanu Maxamed Mashruucaas ka noqday la Taliye. Waxa uu inta badan maraa waddamada Afrika ee Khilaafyada Siyaasadeed ka jiraan, balse waxa fadhigiisu u badan yahay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.
Labadan Xubnood ee Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar oo u dhashay gobolka Gabiley iyo Prof: Axmed Ismaaciil Samatar oo isna u dhashay Awdal/Gabiley, ee wararka Muqdisho ka imanayaa sheegayaan inay yihiin kuwa ugu dhadhaw in loo magacaabo Wasaaradda arrimaha dibedda ahna Raysal-wasaare ku-xigeenka Federaalka Soomaaliya, ayaan ku jirin Xubnaha Baarlamaanka Federaalka, oo ay hore Madaxweyne Farmaajo iyo Xasan Cali Khayre u sheegeen inaanay Xukuumadda cusub ka dhex-xulan doonin Xildhibaannada Baarlamaanka sidii Xukuumadihii ka horreeyey u badnaayeen ee ay dibedda Dad laga soo xulay loo magacaabi doono Xubnaha ka mid noqonaya Xukuumadda cusub, waxaana haddii hadal-hayntoodu rumawdo ay waafaqaysaa ballantaas ay hore u qaadeen Madaxweynaha iyo Raysal-wasaaraha ansixinta sugaya ee Soomaaliya.
Xubnaha kale ee la hadal-hayo ee lagu soo warramayo inay jagadaas u ordayaan, waxaa ka mid ah; Xildhibaan Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan oo Xukuumaddii Raysal-wasaarihii u horreeyey ee Xasan Sheekh markii la doortay 2012-kii soo magacaabay Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ka noqotay ama ka ahayd Wasiirka arrimaha dibedda iyo Raysal-wasaare ku-xigeen, immikana ka mid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Soomaaliya, una dhalatay Somaliland, gaar ahaan Hargeysa.
Sidoo kale, Qaar ka tirsan Warbaahinta Soomaaliya, ayaa baahiyey Magacyada Xubno kale oo aan Hayb ahaan Somaliland ka soo jeedin, balse gobollada Puntland iyo Koonfurta iyo Badhtamaha Soomaaliya u dhashay oo iyagana xogo laga helay xilalka loo magacaabi doono, kuwaas oo ay magacyadooda Shabakadaha Wararka ee Soomaaliya baahiyeen, waxaanay kala yihiin sidan:-
Axmed Macalin Fiqi – Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka
Maryan Qasim – Wasiirka Caafimaadka
Cabdinuur Maxamed – Wasiirka Waxbarashada
Cali Xaaji Warsame – Wasiirka Maaliyadda
Cabdifataax Geesay – Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista.
Hase-yeeshee, wax waliba waxay kala caddaan doonaan ka dib marka uu Codka Kalsoonida Baarlamaanka ka helo ama ka waayo Raysal-wasaaraha cusub ee Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre, kaas oo loo bedinayo inuu ku baasi doono cod fiican oo uu ka heli doono aqlabiyadda Mudanayaasha labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya oo uu Arbacada Berri hortegi doono sida ay sheegayaan Wararka Ogaal ka helay Muqdisho, waxaanu haddii uu ka gudbo Baarlamaanka soo magacaabi doonaa Xukuumaddiisa, markaas oo lagu dhex-arki karo ama laga dhex-waayi karo Xubnaha magacyadooda la baahiyey ee aadka loo saadaaliyey.
Xigasho Wargeyska Ogaal
COMMENTS
|