Xukumada Somaliland Oo Mustaafurisay Nin Iyo Gabadh Shaqaale Ka Ahaa Laba Haayadood Oo Caalamiya Iyo Sababta Keentay?
March 1, 2017 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Somaliland ayaa mastaafurisay nin iyo haweenay shaqaale ka kala ahaa hay’adaha miino-baadhista DDG iyo ta Qaxoontiga DRC oo labada laga leeyahay Denmark .
labadan qof ee la mastaqafuriyey oo lagu magacaabo DAVID iyo NEkloy ayaa laga saaray Somaliland ka dib markii ay aflagaado u gaysteen qaar ka mid ah shacaa’irta diinta islaamka..
wasiirka qorshaynta Somaliland Maxamed Aadan Qabo ayaa sheegay in haweenaydu aflagaadaysay darwalkeedii oo tukanaaya waqti ay ka soo dagaysay Aiport-ka Hargeysa halka DAVID uu isna Aadaanka salaada oo baxaaya uu isna meel kaga dhacay
wasiir qabo ayaa intaas ku daray in go’aankaasi mastaafurinta ay sidoo kale ku qanceen labada hay’adoodba