berberatoday.com
Abwaanno Baraha Internet-ka Ka Bilaabay Silsilad SHIINLEY Ah Oo Sawir Wer-wer Leh Ka Bixinaysa Nolosha Shacabka Somaliland
March 2, 2017 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Waxa Baraha Bulshada ku kulanto ee Internet-ka, sida Facebook ka bilaabantay Silsiladan SHIINLEYDA, taasi oo ka dhalatay meerisyo kooban uu abwaan Sidiiq Maxamed Burmad kaga hadlayay shirarka jaraa’id ee sida ujeeddo la’aanta maalin walba loogu qabto Magaalooyinka Somaliland.

Xasan-DhuxulWaxayse taxane maansooyin Silsilad ah isku beddeshay markii Abwaan Xasan Saleebaan Dhuxul (Laab-saalax) uu kaga jawaabay maansada ugu horaysa maansooyinka halkan aanu ku soo ururinay.

Maansada Laab-saalax waxay abuurtay in Abwaano badan iyo dhalinyaro jecel inay wax abuuraanba kasoo jawaabaan. Waxaanay silsilad maanseedkani  u muuqataa mid ka tarjumaysa dareenka  bulshada Somaliland, inkastoo aanay jirin ilaa hadda aragtiyo aad loogu kala duwan yahay oo abwaannada ay iskaga soo hor-jeedaan, haddana waxa muuqata in ay noqon karto silsilad si wayn loogu kala qaybsamo, maaddaama oo Abwaannada badankoodu iskaga Marag-furayaan in Xaaladaha is-biirsaday ee ka jira Somaliland, sida Abaaraha, Sicir-bararka iyo Shaqo la’aanta Dalka ka jirta ay Sabab u tahay Xukuumadda, taasi oo Abwaannada qaarkood ku canaananayaan Farxamo-xumo iyo Daacadnimo la’aan, halka Abwaannada qaarkoodna ay Meerisyadooda ku soo darayaan Heshiisyada Xukuumddu la gelayso Dalalka Shisheeye ee doonaya inay Maal-geshi ku samaystaan Somaliland. Heshiisyadaas oo Abwaannada qaarkood tilmaamayaan in Cid  gaar ahi ku danaysanayaan.

Haddaba, Abwaan Xasan Saleebaan Dhuxul (Laab-Saalax) oo ku soo hal qabsaday Abwaan Sidiiq Maxamed Burmad ayaa yidhi sida tan:-

Shaxda Garo Sadiiqoow

Ina Ganay Shilkii Dhacay

Ma ogayn Shalaytee

Batuun iyo la shawr Guray

Fartaag hoos u Wada shira

Xaaji shabaga Soo gali

Shanqadhaha badh baa jira

Laga qariyay Shicibkee

Shiishka Saar Wacyiga jira

Garashada bal Shaandhee

Xogta Shaadhka Loo Tolay

Inaad Sheegto Waa Gare

Dareenada Shakiga Dhalay

Yaa Keenay Shaarica

Goor Muu Sharcigu Yidhi

Danbi Sheekha kama dhaco?

Doonidii Shiraacnayd

Shixnadeeda Yaa dhacay?

Goormaa Shuruud Li,i

Sharka Khayrka loo Rogay?

Damiirkii Shakaalnaa

Hadmuu shilinku maamulay?

Sheekada Intaad Daday

Ha Sharaxo Wax garadkuye

Maalintii Shilkaha Culus

Laysku Shiishay Baaruud

Ninka Dhiig u soo shubay

Ee Shahiid Ku Talo Galay

Markuu Saaka Shaacee

Qiiq Shareeran Daawaday

Shalay Dhaantay buu yidhi!!!

………………………………….

Abwaan Sidiiq Maxamed Burmad, oo isaguna u jawaabaya Abwaan Laab-saalax, ayaa yidhi sidan:-

laabsaalaxow shiiq

 ninkastoo shax dhigi jiray

mas-dilkaa ka shicib badan

 jiiraanka soo shiri

wax u sheeg haweenkii

ubadkiina kaga shubay

laabsaalaxow shiiq

ninkastoo shax dhigi jiray

masdilkaa ka shicib badan

jiiraanka soo shiri

wax u sheeg haweenkii

ubadkiina kaga shubay

shookaanta kuu qabay

shib dhe kii la odhan jiray

shicib waa” indheergarad

markii shaalka loo sudhay

iyagoo wan shilis qalay

waa kuwaa shariiryaha

cunayee ka sheekee

iyagoo intii shalay

aan shilin cid uga tagin

waa kuwaa shandado kale

rartayee ka sheekee

cirkanoon raxmaad shubin

shansannoo abaaro ah

bal kuwaa shaqaystee

shilinkii yimaadaba

shuuqsaday ka sheekee

sida shaagga loo rogo

shishe iyo dib loo wado

waa kuwaa shuruucdii

shabagii ugaadhsiga

ka dhigee ka sheekee

shaqaaqooyin faafiyo

xaalado shacbiga dhiba

guddi shaaci mooyee

awoodaha dabkoo shidan

shuuriya ka sheekee

shaqsibaa la doortee

shaadh bira rag loo tolay

iyo dhowr shalmado xidhan

shidhku deeqi maayee

shil intaanu wali galin

wadayaal ka sheekee

waa amar shirkadahoow

u shaqeeya caynkaa

shilinkaa la kabayaa

bal inay shantarad tahay

shalay uun go’aankii

dhacay uun ka sheekee

baryahaaba shalowyay

qodayeen shisheeyuhu

shaqadooda yaa yidhi

shidaal baadhis weeyaan

sahan aan xog sheegayn

bal aduu ka sheekee

Dhamaadka wada sheekaysiga

…………………………………………….

Abwaan Axmed Cismaan Batuun, oo isaguna soo galay Silsiladdan, ayaa yidhi:-

Shirka maansayahankee

Xasan shaaciyoow bado

Ha is dhaafo shoocaac

darandoorriyoo shuba

Shida oo ha oogsado

Ha shaqeeyo golihii

Shiishka saari jiray meel

Ee shicibku tabayeen

Hala gubo shayaadiin

Ku shaqaysta dhawr magac

Qudhayduna shilays iyo

Murti sheegan maayoo

Shaaggaan u rogayaa

Shookaanna ma lehee

Ragii shiili jirayee

Sida shaanbaddoo kale

Shadka saari jiraybaan

Xalay sheedda ka arkoo

Isla shawrisbaa tidhi

La shaqee abwaanada

Kala shubay warkiinii

Shaandheeyay weedhaha

Runtu waa shahiidnimo

Dadna shaahid weeyaan

Gefka sheelan lagu yuus

Hal abuurka shicibkuna

U bayaami shuqulada

Shakaal goo dulqaadkii

Shar ka wayn siyaasiga

Iyo sheeko daahnayd

Hal abuurku isu sheeg

Sharafyahaw maryaha tolo

Adna sheekh haldeeqoow

Qabo shamaca nuurka leh

Ha shallaado maansadu…..

La Soco Abwaannada kale waxay ka yidhaahdeen Silsiladda.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews