Halkan Ka Daawo Sawirada Maareyaha Dekeda Berbera Axmed Yuusuf Dirir Oo Maareyihii Bedelilahaa Ee Shirlada DP World Ku Wareejinaya Xafiiskii Guud Ee Maareynta Dekeda Berbera, Gudoomiyaha Gobolka Saaxil Iyo Maamulaha Kastamka Berbera Oo Goob Joog Ka Ahaa+Masuuliyiin Shirkada Ka Socday
March 2, 2017 - Written by Berbera Today
Berbera(Berberatoday.com)-Shabakada Wararka ee Berberatoday.com ayaa waxa ay heshay Sawiro muujinaya qaabkii saaka loogu wareejiyay Maamulka Dekeda Berbera Masuuliyiinta ka socday shirkada DP World oo aan haba yaraatee loo ogolayn cid ka socota warbaahinta Dawlada iyo ta Madax banaan toona oo ka qeyb gasha islamarkaana qaab hoose oo kalahaada loo wareejiyay
Haddaba Waxa shanakada wararka ee Berberatoday.com usuurta gashay inay hesho sawir muuqaal ah oo muujinaya Mareyaha Dekeda Berbera Axmed Yuusuf Dirir Oo Xafiiskii Maareynta Dekeda Berbera ku wareejinaaya nin magaciisa Lagu sheegay Ibraahiim E. Hammada oo la sheegay inay dhalashadiisu tahay Masar oo noqon doona Mareyaha Dekeda Berbera ee shirkada DP World kaas oo sida sawirkiisa Ka muuqta ku labisnaa Khamiis Iyo Cigaal oo ah dharka astaanta u ah Umadaha Carbeed.