berberatoday.com
War Deg Deg Ah”Lacagtii Maanta La Qabtay Ee Hawl Socod Siinta Dekeda Berbera Oo Lagu Daabulay Xawaalada Dahabshiil Ee Berbera Iyo Bankii Dawlada Oo Hawanaya
March 2, 2017 - Written by Berbera Today

Berbera(Berberatoday.com)-Iyada oo maanta uun Maamulkii Dekeda  Berbera lagu wareejiyay Shirkada DP World ilaa manta wixii maaliyad ah ee hawl qabadka Dekedana lagu qabaanayay Juwanada ama Documentska shirkada DP World  ayaa waxa isla galabta la arkaayay iyada oo lacagtii kasoo xerootay maanta hawl socodsiinta Dekeda Berbera oo lagu daabulayo xarunta shirkada Xawaalada Dahabshiil ee Berbera halka hore lacagtaas loogu xereyn jiray Banka Dawlada ee Berbera, 

Markii aanu ukuurgalnay sababta keentay in Lacagtii Dekeda kasoo xerootay ee ay ahayd in Banka Dawlada lagu shubo loogu shubayo shirkada xawaalada ee Dahabshiil aya waxa la sheegay in Sanduuq Xisaabeed ay shirkada DP World ka furtay shirkada Xawaalada Dahabshiil ee Berbera islamarkaana wixii dakhli kasoo xerooda Dekeda Berbera ay shirkadu dhigan doonto Xawaalada Dahabshiil Bankeeda.

Waa lawada ogyahay in lacagta hawl socodsiinta Dekeda Berbera kasoo xeroota ay leedahay shirkada Dekeda Berbera laga kireeyay ee DP World waxse mihiim ah inay lacagtaas Banka dawlada ku keydsato si aanay meesha uga bixin shaqadii banka dhexe ee Somaliland uhayay Qaranka,

Lacagta Galabta laga so daabulaayay Khasnada Dekeda Berbera ayaa waxa raraayay Masuul kasocday Qeybta Sarifka ee Xawaalada Dahabshiil oo watay gaadiid waawweyn iyo xamaaliin urarta lacagtaas lagu shubaayay kahsanada shirkada Ganacsiga iyo Xawaladaha ee Dahashiil .

Sidoo kale waxa la sheegay in shaqaalaha Dekeda ee shirkada DP World ushaqayn doona mushaharkooda ay ka qaadan doonaan xawaalada Dahabshiil Berbera iyada oo waliba loogu diri doono adeega EDAHAB.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews