berberatoday.com
Abwaanno Internet-ka Ka Bilaabay Silsilad SHIINLEY Ah Oo Sawir Ka Bixinaysa Nolosha Shacabka Iyo Xiisaha Qaybta Labaad Ee Maanta
March 3, 2017 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatioda\y.com)-Waxa Baraha Bulshada ku kulanto ee Internet-ka, sida Facebook ka bilaabantay Silsiladan SHIINLEYDA, taasi oo ka dhalatay meerisyo kooban uu abwaan Sidiiq Maxamed Burmad kaga hadlayay shirarka jaraa’id ee sida ujeeddo la’aanta maalin walba loogu qabto Magaalooyinka Somaliland.

Warka AbwaannadaWaxayse taxane maansooyin Silsilad ah isku beddeshay markii Abwaan Xasan Saleebaan Dhuxul (Laab-saalax) uu kaga jawaabay maansada ugu horaysa maansooyinka halkan aanu ku soo ururinay.

Maansada Laab-saalax waxay abuurtay in Abwaano badan iyo dhalinyaro jecel inay wax abuuraanba kasoo jawaabaan.

Sidaasi darteed, Akhristayaal waxaanu Cadadkii Shalay idiinku soo gudbinay Maansooyinkii ay Silsiladdan kaga qayb-galeen Saddexda Abwaan ee kala ah Axmed Cismaan Batuun, Abwaan Xasan Saleebaan Dhuxul (Laab-saalax) iyo Abwaan Sidiiq Maxamed Burmad, Cadadkana waxaanu idiinku soo gudbinaynaa qaar ka kale oo ka mid ah Maansooyinka ay Silsiladdan Dalkeenna Xaaladdiisa ka hadlaysa ay kaga qayb-qaateen Abwaannada kale.

Abwaan Axmed Fartaag, ayaa Silsiladda Shiinleyda ah kaga qayb-qaatay Maanso uu ku bilaabay sidan:-

Sheekha lacagta qaatee

Shib ka yidhi xaqiiyee

Shilmaad ku doorsaday

Inuu diinta sheeguu

Shakaal dawlad lagu xidho

Shacabkana wanaag faro

Sharka iyo dhibaatada

Dadka shoolad uga digo

Xasanow Ku shubashadu

Sharaftii Abwaanada

Qaar bay shalaadkii

Kaba shuuri tidhi-yoo

Runta uga shakaalmee

Saw siyaasi sheekada

Shaxda ruuxa lagu dago

Kubad shabaqa muu dhigin

Waxa shiinka keenaa

Bal in loo sharaxo iyo

Dadku shaafi sugayee

Shaqalkiyo u jeeddada

Shibanaha bal noo sheeg

…………………………………

Abwaan Cabdi Wali Saxardiid, ayaa isaguna Maansada uu kaga qayb-qaatay Silsiliddan ku bilaabay sidan:-

Shar la’aan mid nabadiyo

Dalka weli shil kama dhicin

Shifo caafimaad iyo

Shukri mahad ah weeyaan

Shicirka iyo maansada

Ragga shaqalka erayada

Shibanaha ka yeedhshow

Shadka alifka diidiyo

Waxa keenay shaashada

Shicibkaa horseed ka ah

Shilalkay is geeyeen

Ayaa lagu shukulayaa

Iyagaa shalaaftiyo

Isu gooya shirixyada

Iyagaa shirqoolkiyo

Isku xidhaya shookiga

Shar la’aan mid nabadiyo

Dalka weli shil kama dhicin

Shifo caafimaad iyo

Shukri mahad ah weeyaan

Shicirka iyo maansada

Ragga shaqalka erayada

Shibanaha ka yeedhshow

Shadka alifka diidiyo

Waxa keenay shaashada

Shicibkaa horseed ka ah

Shilalkay is geeyeen

Ayaa lagu shukulayaa

Iyagaa shalaaftiyo

Isu gooya shirixyada

Iyagaa shirqoolkiyo

Isku xidhaya shookiga

Iyagaa shacaabkiyo

Iska tuura shalawyda

Iyagaa shilka dhaca

Isku aadsha shiishkoo

Nacab sheela duxa wadan

Dhiigood u shubayoo

Iyagaa shax guurkiyo

Isu keena sharaf dhaca

Shuushkiyo warwerkiyo

Shaabuuga lala dhacay

Dib inay u shawraan

Ugu sheega gabayada

Iyagaa shacaabkiyo

Iska tuura shalawyada

Iyagaa shilka dhaca

Isku aadsha shiishkoo

Nacab sheela duxa wadan

Dhiigood u shubayoo

Iyagaa shax guurkiyo

Isu keena sharaf dhaca

Shuushkiyo warwerkiyo

Shaabuuga lala dhacay

Dib inay u shawraan

Ugu sheega gabayada

…………………………….

Abwaanad Layla Sagal Cali oo iyaduna ka qayb-qaadatay Silsiladdan lagu naaqishayo Xaaladda Somaliland, ayaa soo tirisay Maanso ku bilaabantay sidan:-

Niman kiinan showree

Sheekaysanaayoow

Duni shaama reertaad

Shawakhaad la joogtaan

Shax nimaan aqoon oon

Kala shubin aduunkoon

Shacabkana jihaynayn

Miyuu shaahba helayaa

Waxa loo shushubayaa

Lagu kala shaqaystaa

Shuqul gaara weeyoo

Inbaa sheer wadaagtoo

Dabka shidi taqaanoo

Dalka shoolad baa taal

Lagu shiilo maatida

Hilbohooda shuukhana

Shilimaad la dhaafsado

Hal-abuur shantiiniyo

Shankalaa fayow oon

Wali shuuxu gaadhine

Taxliil sida sharaabkii

Intaan lagugu soo shubin

Shaashadaha istaagoo

Shiishkiina meel dheer

Ku shakaala weedhoo

Hiilka shacabka soo gala

Baaqaa shirwaynee

Laabsaalax sheegee

Batuun shaacinaayee

Burmad shamac u daaruu

Shocaacii ka qaadiyo

Curinteda shiin-lay

Yaan la iska sheeline

Cida shaadh cadaanniyo

Huwan sharaf dadkiisiyo

Shaadh madoow kuwii xidhan

Haka eegin sheedoo

Runta shaal ha saarine

Golayaal ka sheegoo

Shaaracyada balsoo tuba

Shaandho aan u qaadnoo

Ha wareego shuushkuye”

………………………………..

La soco Qaybo kale oo Xiiso badan.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews