berberatoday.com
Siyaasadda Bariga Dhexe, Saamaynta Geeska Afrika , Salaann Kasiibashadda Reer Galbeedka , F A A L O
March 4, 2017 - Written by Berbera Today
Siyaasadda Bariga Dhexe, Saamaynta Geeska Afrika , Salaann Kasiibashadda Reer Galbeedka , F A A L O
Waxaan maanta doonayaa Inaan xoogaa is dultaagno marxaladaha Siyaasdaeed ee Dunida inteedada Saamaynta inagu yeelan karta
Hadaynu nahay jamuuriyada somaliland
Hadaba Hadaan sikooban Qalinka ula dulmaro
Marka hore guud ahaan caalamka ayaad moodaa inuu ka istaadhmay Dagaalkii sedexaad ee Dunidu
Marka aad eegto xaaladaha ka taagan Beriga Dhexe ka socda oo in badan oo caalamka kamida werwer gelisay
Marka aynu halkaa kaga nimaadno hordhacaa ama Gogol dhigaas kooban ee aan ugu tallo galay inuu noqdo sawirka 1aad ee maqaalkan
Waxaan doonayaa Inaan hoos ugu dhaadhaco arintan oo Sida runtiiya aan u arko inay muhiim inoo tahay wax iska waydiinteedu maadaaba aynu kamida nahay Dunida aynu sawirkeeda kor kusoo xusnay
Hadaba waxaynu oganahay in Dawaladaha Beriga Dhexe khaasatan Dunida carabta aynu isku nahay Dunida Muslinka ay in badan oo kamidi ay qalalaase ku jireen mudooyinkii ugu dambeeyay ,
Iyadoo la odhan Karo waxay marxaladihii ugu adkaa wajaheen bilawga qarnigan 21aad ee aynu ku jiro lagasoo bilaabo masiibooyinkii ku habsaday waddanka Ciraaq ee Madaxwaynihiisii la deldelay ilaa iyo kuwa hada taagan ee idiin wadda muuqda suuriya Yemen Masar iyo waddamada iyaguna carabta ku abtirsada ee waqooyiga Africa Sida Liibiya Tunis iyo kuwa lamida
Hadaba waxaan soo gaadhnay sawirkii 2aad ee maqaalkeena oo ah gunaanadka iyo gulucda ujeedada igu keliftay faaladan
Marka laga faaloonaayo siyaasada caalamka waxaa gacanta ku hayay Dawaladaha reer Galbeedka tan iyo Markii ay hoos u dhacday Siyaasadda caalamka islaamku
Hadaba Hadaan soodhaweeyo aragtidayada Dunida maanta
Waxaad moodaa in ay Tadqada siyaasadu Xaga kale isu rogtay
Oo ay dabayshii mar qudha Xaga Bari kasoo dhacday
Tusaale Hadaan usoo qaato saldhiga ciidan ee magaalada berbera laga siiyay waddanka Eimaradka carabta iyo saldhiga kaa dhigiisa ah ee isna waddanka Elteria ee isna ah ay degeen ciidamada huwanta carbeed
Waxaa inoo soo baxaysa in siyaasadi Dunida islaamka ay farahoooda ka baxday dawladihii reer Galbeedka oo weliba dawladii danaha reer Galbeedka wakiilka uga ahayd Geeska Africana si fudud loo saydareeyay waa dawlada Itoobiyee oo aynu odhan Karo waxa loo lulay oo laac looga dhigay dekeda berbera loona soo adeegsaday shirkado ganacasi iyo maalgashi
Waxana muuqata in ay dawlada itoobiya goor dambe baraarugtay iyadoo talo faro ka haaday Waxaanay iskudayday inay dhinaca kale uga wareegto siyaasadan sakasha ku noqotay oo waxay Markii ay dareenka qaadatay guclo orod u gashay inay ku mintido gacan ku haynta waddanka koonfurta Somalia nasiib daro taana way ku hungawday markii cod aqlabiyada lagu doortay Madaxwayne Maxamed Cabdilaahi farmaajo
Taasina waxay noqotay markhaati cad oo xaqiijiyay tuhunkoodii hore ee ay ka haysteen heshiiskii dekeda berbera ee sida fudud u hoos maray
Hadaba gunaandkii waxa la odhan karaa waxa siyaasada Dunida muslimku kor ayay usoo kacday Waxaanay saydaraysay siyaasadi waddamada reer Galbeedka ee mudada dheer la hadhsanaaayay
Marka aynu eegno waddamada islaamka ee doorka wayn kuleh soo noolaansha siyaasada caalamka islmaaka waxaan kaw odhan karaa waa waddanka Turkiga ee uu hogaamiyo Madaxwaynaha Cabqarigaa ee Awooda baddanle Rajb Daiby Urdaogn
Oo aynu odhan Karo Imikana geeska afrika Wuxuu ka helay mataankiisii oo ah MD Farmaajo
Iyo xidhiidho qarsoon oo uu ku leeyahay meel kale oo geeska afrika ah
Taasina waxay meesha ka suulisay ama ka saartay dawlado awood siyaasadeed kulahaaa mandaqadan aynu ku noolahay ee geeska afrika
Hadaba suaashu waxay tahay door Intee leeg ayay ku leedahay dawaladeenu marxaladahan ama hormuud maka noqon karaataa wejigan cusub ee Siyaasdaeed?
By Sacad Cali kaahin .( Balaaki)
COMMENTS
|