“Wasaarad Kasta Oo Aad Tagto Waxay Noqotay Tukaan Nin Leeyahay, Bil Baad Wasiirka U Raadinaysaa Saxeex Yar…” Sheekh Aadan-Siiro”Daawo Muuqal
March 4, 2017 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Sheekh Aadan-Siiro), ayaa khudbaddii Jimcaha ee Maanta kaga hadlay culayska ay leedahay Masuuliyaddu loo qaado Ummaddu.

Sheekhu wuxuu is-barbar-dhig ku sameeyay sida Saxaabadii uu Rasuulku ku tarbiyadeeyay ku dhaqanka Shareecada Islaamku uga soo baxeen Masuuliyadihii ay Rasuulkeenna Muxamed (CSW) ka dib u qaadeen Ummadahoodii iyo sida Dadka Xilligan Hoggaamiya Ummadaha Muslimka ahi aanay u fahmin culayska Masuuliyaddu leedahay.