Xanuunka Jadeecada Oo Dalka Ka Dilaacay Iyo Hoos U Dhac Laga Dareemayo Hawlgalada Wasaaradda Caafimaadka
March 4, 2017 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Xanuuno kala duwan ayaa muuqda inay abaarta darteed ka dilaaceen dalka, waxaana u dambeeyay xanuunka jadeecada oo ka jira gobalada Somaliland.
Dr. Cabdillaahi Cabdi Yuusuf oo ka tirsan saraakiisha wasaaradda caafimaadka, ayaa sheegay in xanuuno badan oo ay abaartu sabab u tahay ay dalka ka dilaaceen, isagoo si gaar ah u carabaabay xanuunka jadeecada “Wuu jiraa xanuunka oo wuxuu la xidhiidhaa abaaraha iyo dhibta dhacaysa, jadeecadu aad ayay u jirtaa wadanka oo dhan laakiin maaha wax faraha ka baxay.” ayuu yidhi sarkaalkani.