berberatoday.com
Yaman:Warbaahintu Run Kama Sheegto Xaalada Yaman Ee Akhriso Warbixinta U Soo Qoray Maxamed Osman
March 4, 2017 - Written by berberatoday berberatoday

Dhibaatada nabadgalyada inta duqaynta cirka ee uu hogaaminayo dalka Sucuudigu ku bilaabmatay dalka Yaman iyada oo waliba la sugayo ciidamada dhulka .. dadka Soomaaliyeed ee ku nool waxay ku keentay isbadal iyo walwal aad u badan oo ah sida uga badbaadi lahaayeen wareerka dagaal ee soo socda hadii aan xabad joojin la samayn .. iyada oo waliba soomaalida Yaman ku dhaqani ay aqoon u leeyihiin dagaalada xuutiga dagaalyahano aan talaabo dib u qaadin hore mooyee .. dhibka u sii waynina uu yahay in dhamaan ciidamada dalka iyo wasaarada gaashaan dhiggaba ay gacanta ku hayaan iyaga oo taageero buuxda ka helaaya madaxwaynihii hore Cali Cabdalah Saalax.

Taasoo keentay wixii ka horyimaadaba inay jiiraan ..ayaamahanna ay u diyaariyeen ciidamada dhulka ee isbahaysiga .. 60 kun oo shacab dagaal yahan ah oo aan ahayen xuuti .. iyada oo waliba ay hareen galitaanka dagaalka qabiilada dalka yaman oo %80 raacsan xuuti iyo Cali cabdalah Saalax .. hadaba soomaalida dhibka ugu badani wuxuu haystaa ilaa hadda sadex magaalo oo Soomaaliyi ay ku nooshahay waa Cadan iyo Sacda iyo caasimada Sanca

Cadan : oo ilaa 2 todobaad dagaalo ka socdaan ayaa ah magaada hadda ugu dhibaato badan dalka yaman kadib markii ay galeen maleeshiyada Xuutiyiinta ee gumaca raaca iyo ciidamada ilaalada kursiga madaxtooyada ee xaras al-jumhuuri ee ka kooban 44 janaraal ciidankood.. oo ka gaarsiinayay inay magaalada cadan gacanta ku dhigaan intaan ciidamada dhulka la soo galin iyadoo waliba xoog loola beegsanayay duqaynta circa iyo badda .. ayaa kabaha lala dulmaray taageerayaasha madaxwaynaha cararay ee cabdi-raboh Mansuur Haadi ee dagaalka kala soo hor jeeday oo hadda ku sii haray meelo yaryar .. dagaalkaasi waxa uu waxyeelo wayn u gaystay boqolaal rayid ah oo dhimasho iyo dhaawacba leh soomaaliyina ku jirto .. guryo badan oo laysla jiiray laguna duqeeyay madaafiic in badana la gubay .. waxa sii dheer biyo la’aan markay waxyeelo gaartay kaydkii biyaba magaala looga qaybinayay .. intaasi waa qayb ka mid ah waxyeelada magaalada Cadan .. hadii ciidamo lug ah ay soo galiyaan xulafada sucuudigu hogaaminayo waa kadar oo dibidhal ..
Sacda : magaalada caasimada gobolka xuutiyiinta ay gaarka u leeyihiin oo xad laleh sacuudiga .. magaalada sacda iyo degmooyinka iyo tuulooyinka ay magaalada Sacda gobolka u tahay ayaa waxaa ku nool soomaali badan badan-koodu ay ka shaqeeyaan caafimaadka … ayaa dhibaato badani haysataa ..  Magaalad Sacda waxaa ka socda duqayn aan kala go’lahayn habeen iyo maalin tan iyo markii ay duqayntu ku bilaabmatay dalka Yaman .. waxa layaab ah dadka dagan magaalada Sacda waxay furaan daaqadaha guryaha si aanay muraayaduhu uga daadan gariirka awgii .. Sacda kama ridaan xuutiyiintu lidka diyaaradaha sida suuga ama taransataha(37) .. markay diyaaradaha xulafadu ku ridaan islamarkiiba way duqaysaa meelkasta oo laga rido lidka diyaaradaha .. Sacda malaha layr dhamaan kadib markii diyaaradaha xulafadu duqeeyeen warshada layrka .. soomaalida joogta Sacda ma hadal hayaan inay ka qaxaan gobolkaa waalida ku sudagan, taana waxaa keenay waxay ka yihiin sidii dad wadaniya iyaga iyo yamaniyiintu waa isku mid .. waana mabda’a xuutiyiinta .. aad bay soomaalida ugu fiican yihiin ..
Sanca : kadib Cadan iyo Sacda waa caasimada dalka yaman dadka ajanabiga ahi way ka baxeen intooda badani dawladahoodaa ka saaray jabuutina ha ahaatee – safaarada jabuuti ee yaman soomaalida Yaman ee ciqaamada haysata ama dadka kale waxay ka qaadaa siday sheegeen dadka isdiwaan galinayaa 90 iyo 30 doolar baska .. reer jabuuti waa u bilaash – waxaa haray dad hindi u badan soomaalidu meelna uma socoto .. waxay ku baxaan mahaystaan cidina uma maqna ceelna uma qodna
Waxaa la duqeeyaa xeryaha ciidamada milatariga iyo booliska iyo xuutiyiinta waxa dhamaan ka qaxay dadka rayidka ah ee guryahoodu ku dhawaayeen xeryahaa duqaynta xooga ah lagu celcelinayo kadib markii dad badan dhimasho iyo dhaawacba ay yeesheen ..
Duqaynta waxa ku dhinta dadka rayidka : xero maran malakamood wax kama qaadee .. xeryaha ciidan ma joogaan ee meesha waxa ku gacan galay shacabka oo dhimasho iyo dhaawac leh waxay ku sii dhawdhaw-yihiin illa 2000 oo dumar iyo caruur u badan .. xeryaha barakacayaasha yamanta.. guryaha.. gawaarida u eeg kuwa ciidanka.. tuulooyinka u dhadhaw xadka sacuudiga ee ciidamada Sacuudigu xadka kaga soo duqaynayaan madaafiicda iyo sawaariikhda .. War baahinta ha rumaysan : run ma sheegaan ee rayidku wuu gacan galay .. Waxa kale oo dhib ah lidka diyaaradaha sida gantaalka suugga ama taransataha iyo hub kale oo dhamaan qaybaha magaalada ku qaybsan oo xoog loo rido waliba habeenkii, ayaa wuxu keenaa inuu guryo ku dhaco daaqadaha ka galo ama dad jooga dibedda dhaawac iyo dimashoba keeno .. waxaana sii dheer inay dadku ka cawdaan hordo la’aan hubka dhacaya awgii badanaa habeenkii ..
Kadib markii uu xisbiga Al-islaax oo ah akhwaanul muslimiin oo ahna xisbiga labaad ee dalka ugu wayn uu taageeray duqaynta xulafada Sucuudigu uu hogaaminayo … waxaa ku soo kordhay magaalada caasimada Sanca baqo laga qabo inuu dalku galo dagaal sokeeye ama gumaad aad u ba’an oo ay xuutiyiintu u gaystaan kadib markay ku tilmaameen inuu yahay xisbigu garabka al-qaacida u qaabilsan siyaasada .. waxana lagu siidaayay caasimada xuutiyiin iyo ciidamo aad u badan si ay uga hortagaan falal ay ku kacaan xisbiga al-islaax iyo qabiilada raacsan lagana baqo- qabo in labada gobol ee u dhaw caasimada ee kala ah maarib iyo al- jawf in ciidamada xulafada la gu daadiyo si ay dag-dag ugu soo galaan caasimada oo wax yar u jirta .. dhibi mayara
Sanca waxa aad uga baxa maxasta siiba dumarka iyo caruurta dadka wadaniga ah oo aada tuulooyin-kooda si ay uga dheeraadaan dhibaatada dagaalka circa iyo lidka circa ee caasimada.. soomaalidu melena uma socoto.

Soo ridida diyaaraha sanca duqaynaya : ilaa hadda waxa lasoo riday 2 diyaaradood oo midi tahay sahan midina duqayn waxaanay ku dhaceen Sanca hareeraheeda.

Waxaana is waydiin leh hadmaa diyaarad lala beegsaday lidka diyaaradaha oo gantaalaheedii iyo shidaalkeediiba wadataa ay ku soo duldhici magaalada sanca oo ay xaafado dhan burburin barna gubi ?
Nabad galyada guud ee Soomaalida dalka Yaman :
Madaxwayne Xasan Sheikh Maxmuud mawqifka uu iska taagay dalka Yaman weerarka lagu hayo ayay aad ula dhaceen shacabka dalka Yaman taas oo door wayn ka qaadatay nabad galyada soomaalida waxanay ka xumaadeen iska hadle Siilaanyo sidii Cigaalba uu utaageeray koonfurta dagaalkii 1994.

Hada shacabka yaman inta ka soo horjeeda faragalinta milatari ee lagu hayo dalkooda ayaa waxaa lagu qiyaasikaraa%75 sidaana tix galinta waxaa leh aqlabiyadda .. lakiin inaga soomaali ahaan way inoo siman yihiin.. wanaagoodana waan rabnaa..
Xiriir aan lalahaa ilaayo 2008 madaxwaynihii hore cali cabdalah saalax iyo hogaamihaya xuutiyiinta cabdi malik al- xuuti oo muhiimadiisu ahayd in aan heshiisiiyo nabadna lagu so af jaro 6 dii dagaal ee dhexmaray xuutiyiinta iyo dawlada dalka yaman ee uu madaxwayne-heedu ahaa cali cabdalah saalax oo ku soo af jarmaday inay hadda hal dhinac kaga wada jiraan dagaalka lagu hayo dalka yaman iyo madaxwayne Haadi ilaa hadana qaybta aan ku leeyahay ay tahay inaanay dib iskugu dhicin wax yaalaha ay aad iskugu khilaafaana aan xaliyo ilaa dhamaan lasoo af jarayo dhibaatada dagaal ee dalka yaman xal siyaasadeed oo dhamaan raali galiya 2015 la kala saxeexanayo .. xiriirkaa ayaa waxa uu faa’iidaynayaa inta ay kataliyaan hadii dhibaato wayni ku timaado soomaalida waxaan udiraa war bixin iyagaana xaliya isla markiiba
Waxaana dhacday dhawr bilood hadda ka hor in uu hogaamiyaha xuutiyiintu sheegay in soomaaliyi ku jirto al-qaacidada dalka yaman taasina ay keen tay in Soomaalida loo diido inay u kala socdaan gobolada cidii aan wadan baasaaboor jeelashaana loo taxaabay soomaali aad ubadan .. kadib waxaan udiray warqad hogaamiyaha xuutiyiinta cabdimalik al-xuuti waxaanu ku xaliyay laba maalmood.

Hadda wixii yimaada oo ah dhibaato dadka Soomaalida dawladu ay ku hayso ama dadka shacabka ahiba ..inaan u gudbiyo kama fursanaso ..
Dhibaatada baahida : waxa aad u soo kordhaya dhibaatada baahida markii ay dad badan oo shaqaynayay shaqadoodi jogsatay waxaana adkaatay biilkii iyo kiradii wareerka ugu way ee soomaalida haystaana hadda waa kaa ..
Waxaan oronlahaa : halka dawladuhu leeyihiin gargaar yaman ha loodiro.. aan gaaray soomaali si kasta oo ay wax udhacaan .. in ay is xilqaamaan dadka soomaaliyeed ee dalka ama debedda jooga ay daneeyaan soomaalida joogta dalka yaman oo qofkii cid ku garanayaaba uu caawimo udiro inta dhibaatada dagaalku jirto .. waa hadaanay xawaaladuhu istaagin.

Mohamed Osman     drcajaaib@gmail.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews