|
berberatoday.com
Abwaanno Internet-ka Ka Bilaabay Silsilad SHIINLEY Ah Oo Sawir Ka Bixinaysa Nolosha Shacabka & Xiisaha Qaybta 3-aad Ee Maanta
March 5, 2017 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Waxa Baraha Bulshada ku kulanto ee Internet-ka, sida Facebook ka bilaabantay Silsiladan SHIINLEYDA, taasi oo ka dhalatay meerisyo kooban uu abwaan Sidiiq Maxamed Burmad kaga hadlayay shirarka jaraa’id ee sida ujeeddo la’aanta maalin walba loogu qabto Magaalooyinka Somaliland.
Warka Abwaannada waxayse taxane maansooyin Silsilad ah isku beddeshay markii Abwaan Xasan Saleebaan Dhuxul (Laab-saalax) uu kaga jawaabay maansada ugu horaysa maansooyinka halkan aanu ku soo ururinay.
Maansada Laab-saalax waxay abuurtay in Abwaano badan iyo dhalinyaro jecel inay wax abuuraanba kasoo jawaabaan.
Sidaasi darteed, Akhristayaal waxaanu Cadadkii Khamiistii idiinku soo gudbinay Maansooyinkii ay Silsiladdan kaga qayb-galeen Saddex Abwaan, Cadadkana waxaanu idiinku soo gudbinaynaa qaar ka kale oo ka mid ah Maansooyinka ay Silsiladdan Dalkeenna Xaaladdiisa ka hadlaysa ay kaga qayb-qaateen Abwaannada kale, waxayna qaybta Maantu inoogu bilaabmaysaa sidan:-
Abwaan Sulub Sh Maxmuud •oo ah Qofkii Toddobaad ee Silsiladdan ka qayb-qaata, ayaa yidhi:-
Xasanow shuruudiyo
Kala sheegan hadalkuye
Shaan dhee ujeedada
Adigoon wax sheelayn
shuqulkiyo shabaag taba
Haday shicibku moogyiin
Shaki kama aloosmeen
Sheekooyin kii dhacay
Shirabkiyo waxqabadkuna
shaan shaan intuu yahay
waasheed ka,daalaco
Hadalada shalaal ka ah
Shax shax iyo shirbuuq buuq
Waxma shaafiyaayee
Shaaracu ha muuqdee
Shilisaa warkeenani
Tiifiigu wariyaa
Damiirkii shirqool baa
Shafka loogu xidhayoo
Ma sharaysto shicibkii
Hadduu shilinku maamulay
Shaxaad kaaba loo shiray
Garashaduna waasheed
Aan shirabo ujeedada
Shiishkaygu daarane
Xasanow shaxdaa gabay
Adaa soo shirabayoo
shaaraca dhex keenaye
Ma shaan dheeyay aniguna
Garashadii shiraaqnayd.
…………………………….
Abwaan Sakariye Jaamac Muuse, ayaa isaguna yidhi:-
Hadalkiinu yuu shiikhin
Yaan shaadhka laga saarin
Yaan shiishka laga weecin
Sheekadu halkay joogto
Shaxda yaan la wada fiirsan
Dadku yaanay wada shuuqsan
Cid kastaaba shaashaynin
Shinbiruu ka qayb qaadan
Marka aad shir doonayso
Kaligaa in aad shawrto
Shacabkoo dhan ha u sheegin
Shamac yaaan la wada daaran
Ha shukulin galay shiidan
Adoon shaandhadii haysan
Shiraaq laguma kala haadsho
Shaadh looma dhigo heeda
Shiidku yaanu kaaa gaaban
Shiishku yaanu kaa weecan
Adoo rabay shariim hoose
Dadka inad u wada sheegto
Sharka haysku soo leexin
Shubka sare ha soo duminin
Shini haysku kaa kicinin
Shalay malabki laga qaatay
Si laguula kala Shiilo
Abwaanadu u shaandhayso
Shiinku waa halkeer dhawe
Erayada shishaaa fiican
Dadka inaad wax ugu sheegto
Adigoo shar diidaaya
Adoo tuugo sheegaaya
Shilimaadka guranayaa
Sheekh ilaahay adigoo ah
Shacabkana u doodaaya
Haddaad shiishka garan waydo
Sharaxaadu kaa baydho
Adigaa shil gali doona
Shalaw buur ka odhan doona
Dadeed shib odhan doona
Shaxdu si ay u waynaato
Shaqalkuna u fiicnaado
Waar shiinkan naga daaya
Oo sheeko kale keena
……………………………..
Abwaan Mustafe Xasan Cabdillahi, ayaa isaguna Maansadiisa ku bilaabay sidan:-
Dab lashiday kulay keen
Shax la degay irmaan dhal
Dayaxuna shinkiisii
Isagoon shucaac qabin
Shamsa noqoy nurkiisii
Shimbirkiyo ugaadhii
Shanqadh daaye waayadan
Shabagii sakaarada
Dalaq yidhi shabeelkii
Sharaf dhimatay waayeel
Shilin noqoy hankiisii
Shacabkuna damiirkii
Sharci noqoy wixii uu
Ka diddaayey shalayto
Aniguna shilkaa dhcay
Anfariir shantaa dhaban
Yaabkii ku shaanbee!
Shirkan ay abwaanadu
Shiinlay ka curiyeen
Ninba maankiis shiilyoo
Shookaanta maansada
Hadba meel ku shiishye
Waa su’aale sheekhow
Shakibaabay igalisee
Dowladnimo ma shaadhbaa?
Suudh iyo shaxaadbaa?
Danyaraha shiddeeyoo
Shaanshadooda loogba?
Wankii shilisba waayadan
Sheekhii bireeyee
Badhidiyo shariiryaha
Subagiisa shiilee
Haamaha ku shubaya
Ma siyaasi sheegbaa?
Waa maxay sharkani dhacay?
Ee shishe la eegayn..”
Akhristayaal, Maaddaama oo Silsiladdan Shiinleyda ahi weli socoto oo aanay is-taagin halkaas ayaanu ku soo gebogabaynaynaa intii aanu ugu Talo-galnay inaanu idiin soo gudbinno.
COMMENTS
|