“Cali Khaliif Galaydh Waxaan U Aqoonsanahay Inuu Somaliland Dhib Ku Yahay, Illaa Uu Qirayo In Dalku Xuduudo Iyo Sharci Leeyahay..”Xildhibaan Saleebaan Cali Koore
March 6, 2017 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Xildhibaan Saleebaan Cali Koore oo ka mid ah Mudaneyaasha Golaha Wakiillada Somaliland, isla-markaana ka mid ahaa Xildhibaanno dhawaan deegaanka Xidh-xidh kulan kula yeeshay Cali Khaliif Galaydh, ayaa sheegay inuu Cali Khaliif u aqoonsan yahay inuu dhib ku yahay Somaliland.
Xildhibaan Koore oo Shalay Saxaafadda kula hadlay Hargeysa, ayaa sheegay inaanu ogeyn wax heshiis ah oo dhex maray Somaliland iyo Kooxda Khaatumo ee uu hoggaamiyo Galaydh, sidaa darteedna illaa uu Cali Khaliif Galaydh qiro xuduudaha Somaliland uu u aqoonsan yahay inuu Somaliland dhib ku yahay.