“Marka Dadka Xukunka Hayaa Ay Qayb Ummaddeena Ah Ku Sheegaan Soomaali-weyn, Waxay Dadka U Dadka U Bislaynayaan In Somaliland-nimada Laga Tago…” Cabdikariin Axmed Mooge
March 6, 2017 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasiir ku-xigeenkii hore ee Wasaaradda Qorsheynta iyo Horumarinta Somaliland Cabdikariin Axmed Mooge, ayaa ka digay dhibaatooyin Siyaasadeed oo uu sheegay in Qunsuliyadda Turkigu ku leedahay Hargeysa ku hayso Somaliland iyo Shacabkeedaba.
Cabdikariin Axmed Mooge waxa kale oo uu sheegay inay Hargeysa joogaan laba Qof oo Kenyaan ah, kuwaasi oo uu sheegay in Qofka doonaya inuu Kenya tago ay u qoraan Warqad uu Safaaradda Kenya ee Muqdisho kaga qaato Fiisaha Kenya, taasi oo uu sheegay inay halis ku tahay Qaddiyadda Somaliland.