berberatoday.com
Shirkada DP World Ee La Wareegtay Maamulka Iyo Macaashka Dekeda Berbera Oo Shaqaalihii Dekeda Ee Ay La Wareegtay Usoo Bandhigtay Heshiis Shaqaalenimo Oo Laba Bilood Ah Iyo Shaqaalaha Oo Ka Gaws Adaygay Saxeexa Heshiiskaas
March 7, 2017 - Written by Berbera Today

Berbera(Berberatoday.com)-Maamulka Sare ee Lagu magaacabay Inay Yihiin shirkada DP World ee laga kireeyay maal galinta iyo ka macaashka Dekeda Berbera ayaa shaqaalihii dekeda Berbera ee Xukumadu ku wareejisay qeybtii ay eriday mooyane qeybtii soo hadhay usoo bandhigtay heshiis shaqaalenimo oo ay ka saxeexayaan shaqaalahaas, heshiiskaas oo dhan laba bilood oo Contract ah ayaa waxa ka gaws adaygay inay saxeexaan shaqaalaha Dekeda Berbera ee Xafiisyada ka hawl gala oo dhan 728 ruux oo ka hadhay shaqaalihii Dekeda oo ku dhawaa ama tiradoodu ahayd Kun 1000 ruux shaqaale ah.

Qaar kamida shaqaalaha Dekeda Berbera ee heshiiskan labada bilood ah ay shirkada DP World usoo bandhigtay ayaa waxa ay noo xaqiijiyeen in loo qeybiyay guud ahaan shaqaalaha Dekeda Berbera oo aanay ku jirn muruqmaalku waraaqo heshiis ah oo ay ku qoran yihiin ama lagu ogaysiinayo qof kasta oo shaqaalaha Dekeda Berbera inuu soo dalbado shaqaalayn ay ku ladhantahay heshiis tijaabo ah oo mudadiisu ku simantahay laba bilood(TWO MOUTHS)iyada oo gabi ahaanba ay meesha ka baxday in shaqaalihii dawlada ee Xukumadu ku wareejisay shirkada DP World aanay waxba ka jirin hadana ay qaadanayso shaqaale bilaw ah oo ay ku kala xulanayso tayadooda shaqaalenimo.

Shaqaalaha Dekeda ayaa guud ahaan diiday inay heshiiskaas labada bilood ah saxeexaan waxaanay waraaqihii loo dhiiibay oo ku qoran afsomali iyo English ku haystaan jebadohooda.,

 

Sidoo kale Shirkada la sheegay inay tahay DP World ayaa waxa ay Pageka Somalijobs ee Googleka ku baahisay shaqada xisaabiyaha sare ee Dekeda oo tartan loo gali doono iyada oo shuruudo dhawra ku xidhay shaqadaas Xisaabiyaha sare ee Dekeda.

Shaqaalaha Dekeda Berbera oo aanu qaar kamida weydiinay sababta ay ku diidayaan inay heshiiskaas labada bilood ah inay saxeexaan ayaa noo xaqiijiyay inaanu kaasi heshiis ahayne uu yahay Marmarsiiyo shaqada lagaga eryi doono iyada oo la leeyahay qofkaasi muu buuxin shuruudihii shaqaalenimo, waxaanay intaas ku dareen inaanay sharciyada shaqaalaha dunida meelna kaga oolin heshiis shaqaalenimo oo shirkad caalamiyi ku qaadato shaqaale mudo laba bilood ah, waxaanay xuseen in qofka shaqaalaha ah ugu yaraan heshiiska shaqaalenimo ee lala gali karaa yahay Sanad, Dadka sidan noo sheegay oo ahaa dhawr ruux oo aanu dhacdadan wax ka weydiinay ayaa naga codsaday in aanan magacyadooda xusin,

dhanka kale qaar kaloo kamida shaqaalaha Dekeda oo aanu arinka heshiiska labada bilood wax ka weydiinay ayaa Xukumada madaxweyne Siilanyo ku eedeeyay inay xuquuqdii shaqaalaha Muwaadiniinta ah meel cidla ah kaga dhaqaaqday oo lumisay, waxa kaloo ay shaqaalahani sheegen in aanay aaminsanayn inay shirkadani tahay mid caalamiya hase yeeshee magaca shirkada DP World ay soo kiraysteen shaqsiyaad kamida Qoyska Madaxtooyada iyo dad kaloo ku xeeren iyo shirkado kamida Beesha Madaxweyne ee gacan saarka la leh Xukumada.

 

Arinkan heshiiska shaqalaha Dekeda ee labada bilood ah ayaa kusoo beegmaya xili ay mudo bil ahi kasoo wareegtay markii shaqaalaha Dekeda laga dhex saaray shaqadana laga caydhiyay shaqaale tiradoodu dhantahay 274 shaqale.

Arinkan shaqaalaha Dekeda Berbera heshiiska mudada kooban ah loogu bandhigay ayaa la sheegay inuu gogol xaadh uyahay sidii shaqalaha Dekeda Berbera loo kala naqayn lahaa ee kuwooda aanay shaqadooda ku qancin shirkada DP World u eryi lahayd sidoo kale shaqaale kale oo ajinabiyana ukeensan lahayd.

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews