“Golaha Deegaanku Waa Gole Maamula Soddon Milyan Oo Dollar, Waana Gole Ka Masuul Ah Dhaliilo Badan Oo Xukuumaddu Leedahay…”Xildh. Obama
March 8, 2017 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Xildhibaan Maxamed Xirsi Obama oo katirsan mudaneyaasha aqalka wakiillada, ayaa dhaliilo u jeediyey goleyaasha deegaanka dalka, waxana uu sheegay inay horsed ka yihiin bilic-xumada iyo weliba cambaaraynta dhinaca adeegga bulshada ah ee xukuumadda loo jeediyo.