|
berberatoday.com
Guddoomiyaha Guurtida Oo Markii Uu Muddo-kordhintii Xukuumadda Iyo Mashruucii Madaarka Berbera-ba Meel Saaray Berri Dalka Ka Dhoofi Doona, Sababta Safarkiisana Fasiray
March 8, 2017 - Written by Berbera Today
“Waligayba mar indhahayga waan la carari jirey, waqtigiina way gaadhay oo waxan jeclahay inaan Khamiista baxo, ilaa bilna waan maqnaanayaa”
“Guddoomiye Saleebaan Waxa uu Safar kasoo noqday Maalmo Ka Hor Fadhigii Saldhigga Berbera Lagu Ansixiyey, Waxana uu Dib u Noqonayaa Markii Uu Muddo-kordhintii Xukuumadda Ka Faro Xashay”

Hargeysa(Berberatoday.com)-Guddoomiyaha golaha guurtida Somaliland Md. Saleebaan Xaaji Maxamuud Aadan, ayaa shaaca ka qaaday inuu safar caafimaad dalka kaga bixi doono, muddo yar kadib markii uu meel ku tiiriyey go’aano culayskoodu badnaa oo uu gacanta ku hayey taladii lagu meel mariyey.
Guddoomiye Saleebaan oo shalay xildhibaanada guurtida dardaaran dheer siiyey, ayaa u sheegay inuu dalka ka dhoofi doono, waxana uu ka dalbaday inay ducada ku kaalmeeyaan, maadaama socdaalkiisu la xidhiidho arrimo caafimaad oo aan ka duwanayn socdaallo is-daba joog ahaa oo uu dalka kaga bixi jirey.
Safarka guddoomiyaya ayaa sida uu afkiisa ka sheegay maalinta Berri oo khamiid ah ku beegan, waxana uu dalka ka baxayaa, kadib markii uu meel adag ku tiiriyey ansixinta heshiiskii Imaaraadka lagu siiyey saladhigga Berbera iyo weliba muddo-mordhintii dorraad loo sameeyey xukuumadda iyo hay’ado kale oo qaranku leeyahay, waxana uu dalka kusoo noqday maalmo ka hor ansixintii heshiiska saldhigga oo uu dalka Ingiriiska kasoo baqoolay.
Saleebaan Maxamuud Aadan oo fadhigii shalay mudaneyaasha la hadlay, ayaa sababta safiirkiisa ku sheegay mid dhinaca caafimaadkiisa la xidhiidha, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Waligayba mar indhahayga waan la carari jirey, waqtigiina way gaadhay oo waxan jeclahay inaan Khamiista baxo, ilaa bilna waan maqnaanayaa.”
Guddoomiyuhu waxa uu xildhibaanada ka codsaday inay si midaysan ugu duceeyaan oo aanay u kala hadhin, maadaama uu arrimo caafimaad u baxayo, “Ducada aad I raaciseen waan idiinku mahadnaqayaa, laakiin ducada ha iga kala reebina” ayuu yidhi Saleebaan Maxamuud Aadan.
Saleebaan Maxamuud Aadan, waxan uu si mug leh ugu mahadnaqay mudaneyaasha golaha, isaga oo muujiyey inay si fiican u shaqeeyeen, waxana shaqada uu ku bogaadiyey u muuqataa middii ay ku ansixiyeen saldhigga Berbera iyo tii ka dambaysay ee muddo-kordhinta, balse isagau ma uu carrabaabin, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Goluhu wuu shaqeeyey, wax aan ammaan iyo bogaadin ahayn oo aan idinku abaal mariyona ma hayo.”
Guddoomiyaha oo inta badan ku xidhan dhakhaatiir dalka Ingiriiska ee uu dhalashadiisa haysto ku dhaqan, ayaa maalmo ka hor fadhigii lagu ansixiyey saldhigga Berbera halkaas kasoo laabtay, waxase isaga oo wax bil ka yar dalka joogay uu u baxayaa safar kale, balse ma jirto dhibaato weyn oo xagga caafimaadka ah oo ka muuqata, marka laga tago dhibaato uu dhinaca indhaha ka sheeganayo.
Berberatoday.com
COMMENTS
|