|
berberatoday.com
Hadii Saldhiga Ciidan Berbera Hirgalo Ma Dhici Doonto Bad Dadkeenu Ka Kaluumaysan Doonaan Iyo Mid Ay Ku Dabaalan Doonaan Guud Ahaan Gobolkana Waa Lala Wareegayaa”Akhriso Warbixin Uu Diyaariyay Abdillahi Ibrahim
March 8, 2017 - Written by Berbera TodayMuwaadin ka bogo hadaad rabto inaad ogaato in dalka la dhaxal wareejiyey oo aanu arrinku fududayn marka beenaalayaasha juhalada ihi iyo nacamlayaashu dadka u sakhirayaan saldhigga ciidan ee berbera lala beegsaday oo ah mid cad oo ka turjumaya wixii muwaadiniinta reer somaliland nafiyo maalba ku waayeen ee illaa 25ka sanadood ku naaloonayeen ee ahaa ictiraaf iyo calanka tawxiidka leh oo caalamka ka dulbabada gal Oil Price dot com oo qeexaya qorshaha qaawan ee qeexaya in magaalada berberi ay ku deyndoonto iyo qorshaha oo ah inay xataa la wareegidoonaan labada kaantarool ee berbera laga soo galo oo kala ka burco laga soo galo iyo ka hargeisa looga baxo oo qaranimadii ay aaseen laba wiil oo yaryar oo aan u tudheyn Calanka,Ciidda,Dadka,Degaanka iyo dhamaanba himilooyinkii dadku lahaayeen ee loo soo dhintay iyadoo mid waliba uu hadhow tagidoono dalkii uu markii horeba idiinka soo baqoolay.waxay ciidankaasi gacanta ku dhigidoonaan bad iyo beriba oo aanay dhicidoonin bad lagu dabaasho iyo mid laga kaluumaysto toona mana aha sidii laydin ku sheegay weliba iyagoo hoos u dhigaya inaanay haba yaraatee fahmin ujeedada saldhiga laga leeyahay ayey weliba ku tilmaameen kuwo aqoontoodu hoosayso,marka muwaadiniinta reer somaliland waxaan ku baraarujinayaa iyo kuwa degaanka ku ahba in hadda ayey dhowdahaye inay ka hortagaan hadaa rabtaan inaan ogaataan gala oo ka akhriso qorshaha 144ka iimaanlaawe laga saxeexay oo ah wax laga tiiraanyoodo oo godmadow ku riday Jamhuuriyaddii Somaliland,fadhiga ha laga kaco oo dad,dal iyo duunyoba ha la badbaadiyo …….Alle hay nala qabtee.
Abdillahi IbrahimHelsinki Finland COMMENTS
|
||||
|
|
|||||