Shabakada Siraha Aduunka Faafisa Ee Wikileaks Oo Sir Cusub Ka Faafisay Hay’adda Sirdoonka Maraykanka Ee CIA.
London(Berberatoday.com)-Shabakadda Wikileaks ayaa baahisay macluumaad ku saabsan waxa ay ku sheegtay farsamooyin badan oo hay’adda sirdoonka Maraykanka ee CIA-du u adeegsato in ay xogta kagala baxdo kombuyuutarrada.
Farsamooyinkan la sheegay in ay CIA-du adeegsato ayaa la sheegay in ay ka mid yihiin barnaamijo si fudud sirta ugala bixi kara Windos, Android, iOS, OSX iyo Linus oo dhamaantood ah habab ay kombuyuutaradda iyo telefoonnada gacantu ku shaqeeyaan.
Software-yadan wax lagu basaasayo ayaa la sheegay in CIA-du samaysatay laakiin waxa kale oo la sheegay in laanta sirdoonka ee UK ee MI5 ay gacan ka siisay CIA-da in ay samaysato barnaamijyo ay kula socon karto TV-yada Samsung.