Dawo Cusub Oo Laga Rajo Qabo In Ay Caafimaad U Horseeddo Dadka Qaba Cudurka AIDS
March 9, 2017 - Written by Berbera Today
Barcelona(Berberatoday.com)- Sannado badan oo dadaal joogto ah loogu jiray in dawo loo helo cudurka aadamaha aqoontooda beeniyey ee dila hab-dhiska difaaca jidhka, HIV/AIDS ayaa ay imika soo muuqata bidhaan muujinaysa in la gaadhay waqtigii laga itaal roonaan lahaa.
Dawo cusub oo xeeldheerayaal u dhashay dalka Isbayn ay sameeyeen, ayaa illaa hadda si buuxda ay caafimaad uga heleen shan ruux oo hore u qabay cudurka AIDS ka, kadib markii ay toddoba bilood joogto u isticmaalayeen.