Digniin Caafimaad”Iska Jir In Maalintii Ay Jidhkaaga Gasho Sonkor Ka Badan 50 Giraam –
March 9, 2017 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Hay’adda Caafimaadka adduunka ayaa ku talisay in qofku aanu maalintii cunin sonkor ka badan Kongton Giraam, oo qiyaas ahaan u dhigmaysa 12 Maqlaacadda yar ee shaaha ah (5 Millilitre). Sidoo kale xeeldheerayaasha caafimaadka ee ha’addu waxa ay aad ugu celceliyeen in sida ugu fiicani ay tahay in uu qofku maalintii cuno sonkor qiyaasteedu kala badh ka tahay inta aynu kor ku xusnay, oo macnaheedu yahay in sida ugu fiicani tahay in aanu qofku maalintii qaadan sonkor ka badan 6 maqlacadaha yaryar ee shaaha ah. Iyaga oo sheegay in ay taasi faa’ido caafimaad oo dheeraad ah qofka u keenayso.