|
berberatoday.com
Wasiir Cali Mareexaan Oo Shaqaalihii Ugu Badnaa Ee Beeshiisa Ah ka Shaqaalaysiiyey Wasaarada Hawlaha Guud,Dhismihii Waddada Ceerigaabo Oo Taagan Iyo Qodobada Loo Aanaynayo
March 11, 2017 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasiirka hawlaha guud guryeynta iyo gaadiidka somaliland Cali Xasan Maxamed ayaa mudo sanad iyo dheeraad ah oo uu wasaaradaasi joogay waxa qaaday talaabooyin aan u wanaagsanayn qaranka iyo hawlaha loo igmaday wasaaradiisa.
Sida ay Baligubadlemedia u xaqiijiyeen ilo wareedyo u dhaw wasaarada hawlaha guud, Wasiir Cali Mareexaan ayaa mudadii uu joogay wasaarada hawlaha guud iyo guryeynta waxa uu shaqaalaysiiyey dad tiradoodu ku dhaw dahay 40 qof kuwaas oo dhamaantood ay isku deegaan yihiin isla markaana ka soo jeeda Bariga Burco, waxaanu ku dhigay shaqaalaha rasmiga ah ee wasaarada, iyada oo aan miisaaniyada wasaaraduna iska xejinayn kharashka shaqaalahaas.
Wasiir Cali Mareexaan ayaa sameeyey agaasime waaxeedyo cusub kuwaas oo uu madax uga dhigay xubno ay isku beel yihiin oo la socday wakhtigii wasaarada loo magacaabay, waaxyaha uu soo kordhiyey ayaa waxa ka mid ah Agaasimaha waaxda Gaadiidka oo u magacaabay Maxamed Sugaal, Agaasimaha waaxda shaqaalaha oo uu u magacaabay iyo agaasimaha waaxda xidhiidhka dibada(External Relation) oo uu u magacaabay Yaasiin Gawaafe.
Dhinaca kale sida ay sheegayaan wararku waxa istaagay mashruucii dhismaha waddada Ceerigaabo oo guud ahaan shacabka somaliland indhaha ku hayeen, kaas oo wakhtigii lagu wareejiyey meel fiican marayey, waxaanay wararku sheegayaan inuu hada mashruucaasi u taagan yahay sababo aanu wasiirku shaacin, balse waxa jiray hawlo uu wasiirku ku kacay oo sabab u noqday inuu mashruucaasi istaago kuwaas oo ay ka mid yihiin.
1. Dano gaar ahaaneed oo uu wasiirku ka door biday socodsiinta mashruuca dhismaha waddada Ceerigaabo.
2. Wasiir Cali Mareexaan oo qoray shaqaale badan oo qaata mushahar badan oo aan dhaqaalaha waddadu iska xejinayn kuwaas oo ay isku deegaan yihiin.
3. Dadkii lahaa gaadiidka ka shaqaynayey dhismaha Waddada oo shaqadii joojiyey ka dib markii ay ku yeesheen 10 bilood lacagtood.
4. Wasiir Cali Mareexaan oo mashruuca dhismaha Waddada Ceerigaabo shaqo uga abuuray dad badan oo ay isku deegaan yihiin kuwaas oo ka hawl gala dhismaha waddada, taas oo keentay inuu is leekaan waayo dhaqaalaha waddada loogu tala galay iyo kharashka mushaharka ka baxaya.
5. Wasiir Cali mareexaan oo afhayeenka xisbiga Kulmiye Xasan Gaafaadhi oo ay isku deegaa yihiin siiyey warshadii samaynaysay jayga waddada taas oo aan sidii loogu tala galay u shaqayn.
Dhinaca kale maareeyaha hay’adda waddooyinka Somaliland Xasan Cali Cismaan oo haatan ku sugan wadanka UAE oo aanu khadka telefanka kula xidhiidhnay ayaa ka cudurdaartay inuu ka hadlay dhaliilaha dul hoganaya mashruuca dhismaha waddada Ceerigaabo, waxaanu sheegay inuu dalka ka maqnaa mudo laba bilood ah isla markaana aanu war ka hayn halka uu mashruuca dhismaha waddadu marayo.
Xigasho Baligubadlemadia.com
COMMENTS
|