Mujaahidiin Wasiir Cali Mareexaan Iyo Maxamuud Xaashi Ku Eedeyey In Ay Boob Ka Bilaabeen Guryihii Ku Yaalay Badhtamaha Suuqa Hargeysa +[ Muuqaal ]
March 12, 2017 - Written by berberatoday berberatoday
Hargaysa (Berberatoday.com)_ Qaar ka mid ah mujaahidiintii dalka u soo Halgamey ee SNM isla
markaana lagu kala magacaabo Ibraahim Ismaciil iyo Muj Cali Curi ayaa waxaa ay eedihii ugu cuslaa u soo jeediyeen labada wasiir ee Cali Mareexan iyo Maxamuud Xaashi waxaana ay ku sifeeyeen qaar boob qaawan ka bilaabay qaar ka mid ah aqaladii ku yaala badhtama suuqa Hargeysa
Waxaa ay sidoo kale mujaahidiintani ay xusen in nin lagu magacabo Ina Xaaji Dhagax oo curi ku leh Badhtamaha Suuqa Hargeysa ay wasiiradani rabaan in ay ka qaadan gurigiisa oo ay ku damaaciyeen iyaga oo u adeegsanaya nin ka soo jeeda magaalada Moqdisho oo lagu magacaab Buule