berberatoday.com
Shaqaalaha Dekeda Berbera Waa in ay Sharciga la tiigsadaan oo Qareeno Caalami ah u qabsadaan Shirkada DPWorld
March 12, 2017 - Written by berberatoday berberatoday

Shaqaalaha Dekedu waa in aanay weysada dhawran ee waa in ay xaqooda iyo xuquuqdooda gaarka ah udacwoodaan si cokan oo Dimuqraadi ah, waana in ay Qareeno u dooda qabsadaan. Dhuuxa iyo duxda dimuqraadiyadu waxay koobaysaa in shaqsi kastaa xornimadiisa iyo xuquuqdiisu ay u cadaato oo uu helo, sidaa daraadeed waa in la ilaaliyaa xaqa iyo xuquuqda shaqaalaha ka shaqeeya Dekeda Berbera iyo inta ku xeeran. Shaqaaluhu waxay xaq u leeyihiin in ay u dacwoodaan xuquuqdooda iyo danahooda u gaar ka ah iyaga oo ku doodaaya in ay la xuquuq noqdaan shaqaalaha DPWorld ee Dekedaha aduunka ka shaqeeya maadaama aanay xuquuqdoodu ku cadeyn heshiiska mugdiga badani ku gedaaman yahay ee lagu dhaxal wareejinaayo Dekeda Berbera 30-ka Sanadood ee soo socda.

Shaqaalaha Dekeda Berbera ka haw-gala maaha oo keliya *850* shaqsi ee pay role ka ku jira hase yeeshee waxaa jira ilaa *4000* oo kale oo shaqaale dadban ah oo Dekeda ku nool oo ka howl-gala sida Shaqaalaha Geele *A *iyo Geele *B,* shaqaalaha Salvatorka, Shaqaalaha geel jiidka, Shaqaalaha Hoos-ugalaha, Shaqaalaha, Xeeb-uyaalka, shaqaalaha Barakataaliga, Shaqaalaha Cows gogolka, shaqaalaha Berbera morning group iyo shaqaalaha Saaxil groups. Waxaa iyana jira dad muwaadiniin ah oo rayid ah oo guno yar ka qaata kuwaas oo iyana gaadhaaya ilaa iyo 200 qof , Marka laysku wada daro tirada guud ee shaqaalaha muruq maalka ah ee sida toos ah iyo sida dadbanba ugu nool Dekeda Berbera waxay gaadhayaan ilaa *5000* oo muwaadin. Taas oo dhamaan shaqaalahaas badankoodu aanay pay role ka ku jirin oo aanay xuquuqdoodu ku cadeyn Heshiiska lala galay shirkada imaaraatka ee DPWorld.

Hadaba Waa Qayrul-sharci in 5000 ee qof ee shaqaalaha Dekeda Berbera ah, in 720 oo keliya xuquuqdooda la sugo oo shirkada DPWorld lagu wareejiyo dhamaan intii kalena go’a loo rido oo xaq yar oo faro guud kood ah loo qaybiyo oo debeda la dhigo qaarna lagu beer-laxawsado ” Sanduuq baanu idiin fureynaa laydinku caawiyo” iyo raashin baanu idin siindoonaa oo halkaa xuquuqdooda lagu duudsiyo. Waa Xaqdaro in intii yarayd ee Dekeda lagu sii reebay in durba loo hanjabo oo xaqooda iyo xuquuqdooda la duudsiyo.Waa Xaqdaro in Gunooyinka iyo saacadihii dheeraardka ahaa ( over time ) Laga jaro.

Waxaan idiinku soo garoocayaa maanta: ” Waar maxaa ina Siyaad Laga daryee loola diriraayey ” Mar hadii Xukuumadu qadiyadii iyo masiirkii ummadda ka horeysiisay hunguri dhaqaale oo aan shacabka marna loo soo bandhigin Seyladaha ay xukuumadu kuwada xaraashtay Hal-bowlayaashii dhaqaale ee wadanka oo dhan. Xukuumada laga yeeli maayo in ay Hargo waraabe shacabka u soo gashato ee waa in ay joojisaa dhiilo-hilashada iyo damaca qaawan ee danaha gaar ka ah huwan ee ummadu wada daalacatay” Shacabow Tiraa Kaa gedmane wax isu geygeyso oo u dooda xaqiina iyo xuquuqdiina gaar ka ah ”

Allaa Mahad iyo Mudnaanba Leh
Wa-Laahum-Aclam-Wa-Bilaahi-Tawfiiq
Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi (scs)
Qalinkii : A/rahman Fidhinle
Qoraa Madaxbanaan
Intensive Advisor ED BD PA
United Kingdom

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews