War Deg Deg Ah”Ciidamada Booliska Berbera Oo Xabsiga Utaxaabay Wariye Khadar Cabdirisaaq Saleebaan(Hanad)Iyo Sababta Xadhigiisa
March 12, 2017 - Written by Berbera Today
Berbera(Berberatoday.com)-Ciidamada Booliska Berbera ayaa xabsiga utaxaabay wariye Khadar Cabdirisaaq Saleebaan(Khadar Hanad)oo katirsan Wariyayaasha Shabakada Wararka ee Hadhwanaagnews,
Wariyahan oo maalmihii udanbeeyay Berbera ujoogay hawlo shaqo ayaa maanta la kulmay mudaharaadkii ay dhigayeren shaqaale weynaha Dekeda Berbera ee ay kaga soo horjeedeen shirkada Maamulka iyo Macaashaka Dekeda Berbera ay xukumada Madaxweyne Siilanyo ka kireysay.