berberatoday.com
Xiisadda Udhaxaysa Turkiga Iyo Holland Oo Sii Xumaatay
March 12, 2017 - Written by Berbera Today

Rotterdam(Berberatoday.com)-Dhowr boqol oo qof oo ah taageerayaasha Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa iyagoo calamo sita isugu soo baxay dibadda qunsuliyadooda magaalada Rotterdam, ka dib markii xukuumadda Netherlands ay u diidday wasiirka arrimaha dibadda ee Turkiga inuu magaalada khudbad ka jeediyo.muwaadiniinta turkiga

Maxaddad TV ayaa soo warisay in wasiirad ka tirsan xukuumadda Mr Erdogan ay joojiyeen booliska Netherlands ayadoo u sii socotay qunsuliyadda si ay khudbad ugu jeediso dadkii halkaa isugu soo baxay.

Goor sii horreysay ayuu madaxweyne Erdogan ugu yeeray golaha wasiirrada ee Dutch-ka inay yihiin “haraadigii Naasiyiinta” bacdamaa ay is hor taageen booqashadii wasiir-arrimo-dibadeedkiisa.

Ra’iisul wasaaraha Netherlands Mark Rutte ayaa hadalkaas ku tilmaamay mid waalli ah.

Wasiiradda arrimaha qoyska ee Turkiga Fatma Betul Sayan Kaya oo isku dayday inay gaarto halka mudaaharaadku ka socday ayey boolisku u diiddeen, ka dibna waxay u kaxeeyeen dhinaca xudduudda Jarmalka, ayagoo markii dambena dalka ka eryey.

Ra’iisul wasaaraha Netherlands Mark Rutte ayaa booqashadeeda ku tilmaamay mid qayrul mas’uulnimo ah. Turkiga wuxuu ballan ku qaaday inuu aargoosi ka samayn doono wax uu ugu yeeray qaab-dhaqan aan la ogolaan karin oo lagula kacay wasiirad xasaanad diblomaasiyadeed leh.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Turkiga Mevlut Cavusoglu ayaa hadda jooga madgaalada Metz ee waqooyiga bari ee Faransiiska si uu khudbad ugu jeediyo dadka Turkiga ah ee dhalashada Faransiiska haysta, isagoo doonaya inuu kala hadlo aftida dhici doonta bisha dambe.

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews