Korneyl Muuse Biixi Oo Shir Xalay Lagu Qabtay Madaxtooyada Kaga Dhawaaqay In Shaqaalaha Dekeda Ciidan Loo Diro Dekedana Laga Dareeriyo Shaqaale Cusub Oo Kalena La Qoro
March 13, 2017 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Korneyl Muuse Biixi Cabdi oo ah Gudoomiyaha Xisbil Xaakimka Kulmiye ahna Musharaxa Madaxweynaha Xisbiga Kulmiye oo habeenkii xalay ahaa Madaxtooyada Hargaysa kaga qeyb galay shir lagaga hadlaayay cabashada iyo shaqo joojinta ay sameeyeen shaqaale weynaha Dekeda Berbera ayaa mar uu shirkaas ka hadlaayay ku dhawaaqay in aan cabashada shaqaalaha loo joojinin ee mihiimada koowaad la siiyo shirkada Dp World shaqaalaha cabanaya ee shaqo joojinta sameeyayna gabi ahaanba shaqada laga wada eryo oo inta ciidan xoog ah Dekeda la galiyo laga soo dareeriyaa Dekeda dhamaantood.