Masuuliyiintii Ugu Sareysay Shirkada DP World Ee Dekeda Berbera Oo Hargeysa Orod Ku Galay Iyo Xaalada Magaalada Berbera Oo Kacsan
March 13, 2017 - Written by Berbera Today
Berbera(Berberatoday.com)-Masuuliyiintii Ugu Saraysa Dekeda Berbera ee Shirkada DP World Ee Dekeda Berbera ayaa maanta duhurkii iyaga oo ay Ciidamo iyo gaadiid gaashaamani ilaalinayaan ubaxay Hargeysa iyada oo maalintii labaad shaqadii Dekeda Berbera taagantahay.
Orodka Masuuliyiinta Dekeda Berbera ayaa umuuqata mid ay amaankood ubaqeen iyo waliba iyaga oo xukumadii heshiiska lagashay la soo xisaabtamay maadama oo heshiiskii lala galay ee ahaa inay shaqaalaha Dekeda kay doonaana eryi karaan kay doonana qaadan karaan oo suuragal ka noqon weyday Berbera shaqaalihii Dekeduna sutida uqabteen habdhaqankaas ay shirkada DP World kula kacday.