berberatoday.com
AGAASIMAHA BAANKA DHEXE OO IN MUDDO AH SAFAR DIBADEED KU MAQAN IYO LACAG CUSUB OO LA FILAYO IN XUKUMADU SOO DAABACAYSO
March 14, 2017 - Written by berberatoday berberatoday

Hargaisa:(Berberatoday.com) Xukuumadda Somaliland ayaa dhawaan dalka keeni doonta Shilling Somaliland cusub, kaasoo ay imika ku maqan yihiin mukhalasiin sanadihii u danbeeyey ay xukuumaddu Qandaraas hoose ku siisay Daabacada Shilling Somaliland-ka. Sida xalay lagu baahiyey qaar kamid ah degellada wararka Somaliland  lacagtan cusub ayaa la sheegay in ay caado u tahay daabacaadeeda mar kasta oo sicir barar dalka ka dhaco balse ay xilligan   xukuumaddu   Doolarka ay hayso Suuqa kusoo galinayso   Doolarkii ay haysay, iyadoo  ku soo daabacanaysa Shilling Somaliland.

lacagta-somaliland-80x106

Lama Oga Noodhadhka cusub ee ay Xukuumaddu soo daabacday inay yihiin kuwii hore ee shanta kun ugu saraysay iyo inay Noodhadh ka badan soo daabacday, hase yeeshee waxa la filayaa inay maalmahan lacagtaas cusub soo gaadho Baanka Dhexe ee Somaliland. Xukuumadda Somaliland ayaa halkii ay Doolar ka soo galin lahayd Suuqa si qiimaha hoos loogu dhigo, waxay mushaharooyinka socda bishan ku bixisay Shilling Somaliland-kii cusbaa ee Kaydka ahaa, taasoo dadka Odorosa suuqa lacaguhu ay ku tilmaameen inaanay Xukuumaddu haynin Lacagtii Shilling Somaliland-ka ahayd ee Suuqa hore loo galiyey, taasoo lacagtii lagu soo xarayn lahaa ay tahay tan lagu soo dabaacayo lacagta cusub. Lacagta cusub ayaa la sheegayaa in uu soo daabacayo ninkii lacagihii u danbeeyey ee intii xukuumadda Kulmiye talada haysay la wareegay soo daabacaada lacagaha cusub ee Somaliland, kaasoo macaash buuran oo aanay cidi u qiysaan ka dul qaata marka mashruucani usoo baxo. Baanka Dhexe ayaa gacmaha ka laabtay wax ka qabashada qiima dhici shilling-ka Somaliland oo maanta uu boqolka Doolar marayo in ku dhaw sagaal boqol oo kun oo Shilling Somaliland ah, halka wasaaradda Maaliyaddu-na ay la tacaalayso bixinta Mushaharooyinkii shaqaalaha, ciidamadda iyo kharashaadka kale ee maalinlaha ah. Agaasimaha Guud ee Baanka Dhexe ee Somaliland C/laahi Xasan ayaa safar aan ujeedadiisa la shaacin ku maqan muddo, waxaanu iska gooshay dalalka Jabuuti iyo Ethoipia oo uu ku sugnaa bishan u danbaysay oo dhan. Guddidii madaxweyne Siilaanyo u magacaabay wax ka qabashada Sicir bararka iyo sarrifka Lacagaha qalaad ayaa iyana guul-daraystay, kadib markii talaabooyinkii ay qaadeen noqdeen kuwo daaqadda ka baxay, tusaale ahaana qiimihiiay sarrifka shilling Somaliland-ka iyo Doolarka u jareen oo xadhkaha dib u goostay.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews