Daawo Muuqalka”Faysal Cali Waraabe Oo Shir Uu London Ugu Baaqay Tageerayaashiisa Loo Cidleeyay Iyo Xubno Kulmiye Ah Oo Ucamiray
March 14, 2017 - Written by berberatoday berberatoday
London,(Berberatoday.com)- Gudoomiyaha xisbiga UCID- Faysal Cali Waraabe ayaa waji gabax kala kulmay magaalada London kadib markii shir balaadhan oo uu ugu baaqay tageerayaashiisa iyo bulshada reer Somaliland ee ku dhaqan magaalada London ay kala soo qayb galaan, ayaa gabi ahaanba looga fadhiistay madaama oo ay tageerayaashii iyo badi madaxdii xisbiga UCID- ay ku biireen xisbiga Waddani dhawaan kuwaasi oo markii horena u badnaa tageerayaashii Jamaal Cali Xuseen.
Goobtii shirka loogu talo galay oo balaadhnayd waxa ka soo xaadiray dad ku dhow dhowr iyo sodon qof, kuwaasi oo isugu jiro dad ay qaraabo dhow yihiin Faysal Cali Waraabe iyo xubno ka mid ah xisbiga Kulmiye iyo sidoo kale laba ilaa sadex qof oo ka tirsan xisbiga UCID- garabka Fayasal Cali Waraabe.
Waxana markii u horaysay xafladaasi ka soo xaadiray labada fanaan ee Faarax Murtiile iyo Nuur Daalacay oo ka mid ah fanaaniinta taageerta xisbiga Kulmiye waana xafladii ugu horaysay ee ay ka soo xaadiraan ee ay leeyihiin xisbi kale oo ka baxsan xisbiga Kulmiye.
Burburkani iyo kala yaacani ku yimid xisbiga UCID- ayaa la kowsaday kadib markii uu gudoomiye Faysal Cali Waraabe uu khiyaameeyay musharaxii xisbigaasi aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen oo ahaa musharaxa xisbiga UCID ka hor intii aanu Faysal Cali Waraabe mar sadexaad isu soo sharaxin kursigaasi oo hada kala didiyay tageerayaashii xooganaa ee uu xisbigaasi lahaa loogana yaacay Faysal Cali Waraabe iyo shaqsiyaad durbaanka beenta ah u tuma.