Codbixiyayaasha Dalka Holland Oo Looga Digay Doorashada Xisbiga Cunsuriga Ah Diidan Diinta Iyo Dadka Islaamka Ah
March 15, 2017 - Written by Berbera Today
Ra’iisul Wasaaraha dalka Holland, Mark Rutte, ayaa ka digay in dalkiisu uusan u liicin dareenada wadaniga ah ee uu la xidhiidhiyay ka bixiddii Ingiriiska ee Yurub iyo doorashadii Donald Trump.

Mr Rutte, ayuu hadalkiisu ku wajahnaa ninka ay aadka isku hayaan ee u janjeedha wadaniyadda ee Geert Wilders, xilli ay ka qayb galayeen dood laga sii daayay taleefishinka ka hor doorashada la qaban doono maalinta Arbacada ah.