Waxaan leeyahay Hogaanada saddexda xisbi qaran waa In si maslaxada umaduu ku jirto loo eego arinta ka taagan Dekeda Berbera Haddii kale waxaad waayi doontaan kursi aad isu sharaxdaan”Aqoonyahan:Ismaaciil-Dheeg Xoghaya Degmada Berbera Ee Xisbiga Waddani
March 15, 2017 - Written by Berbera Today
Waxaan leeyahay Hogaanada saddexda xisbi qaran waa In si maslaxada umaduu ku jirto loo eego arinta ka taagan Dekeda Berbera Haddii kale waxaad waayi doontaan kursi aad isu sharaxdaan. Maanta danta qarankuu waxay ku jirtaa in la badbaadiyo dekeda Berbera. Aniga oo tirsan masuuliyiinta xisbiga waddani ee Gobolka Saaxil waxaan maanta halka ka sheegayaa oo aan jeclaysatay in aan umadayda qoraal uu ugu soo koobo xaalad aad u adag ay ka taagantahay magaaladii berbera dekedeediii oo ahayd dekeda reer Somaaliland iyo guud ahaanba G. saaxil. Hadaba xaaladan ayaa salka ku haysa in dekedii qaran kuu lahaa ay wareejiyeen dad masuulnimo ku dhuumanaayaa oo aan ka shaqaynaynin danta dadka dal Somaliland ee dane kale u adeegaaya kuwaas oo ku wareejiyey Dekedii waxay shirkad ku sheegaayaan oo dad ku ilaahada aanay aqoonsan taas oo markii ay maamulkiii la wareegtayba ka bilowday shaqa dhimis waxaa suaal ah hadaba dadka dalkan iska leh ee ALLe ku uumay ma shaqo abuurid bay u baahan yihiin mise shaqaale dhimis? Runtii waa lagaranayaa oo macaa caruuntaa garanaysa qarankan yare ee curdinka ahi wax uu u baahan yahay shaqo Abuurid. Hadaba shirkadii cantabtabka ahayd markay la wareegtay maamulkii dekeda ayaa ay shaqaale dhimis samaysay oo ay mushar dhimis samaysay wakhti ay Abaaro baahsani waadanka ka jiraan oo nin waliba muharkuu qaato uu dhawr meelood oo miyiyaduu ku jiraan uu u qaybiyo hadaba taasaa keentay keentay in shaqaalihii dekeduu si baahsan uga gardoodaan oo ay ka sameeyaan mudaharaad balaadhan policeskuna waxa uu u isticmaalay xabad nool dadkii rayid ka ahaa walee nin qareenkii reer saaxil yahay baanay rasaasi waxba yeelin oo bad iyo buuro Rabi ku wareejiyey. Hadaba waxaan dhaamaan umada reer Somaliland leeyahay hadhow baydun odhan nalooma sheegin ee haba xaladaa wax halaga qabto nimanka odayaasha ah ee musharaxyada saddexda xisbi ah ee Muj: Muuse Biixi ABdi , Dr: C/raxmaan Maxamed C/laahi iyo Eng faysal Cali Waraabe ba waxaan leeyahay haddii aydaan arinkaa si masalaxada umada iyo qaranku ku jirto u eegin oo aad meelo kale ka eegtaan sida horeba u dhacday in qaarkiin uga eegeen meelo kale waxaa dhici in aad waydaan wax aad u tartantaan, ka wada shaqaynta nabad gelyaduuna waa inoo wadadan dhamaanteen. Xildhibaanada Baarlamaanka qarankana waxaan leeyhay laguma sii jiridoono in aad garab raratada danyarta ah ee idin soo dooratay in meelihii uu nolol maalmeed kuu ka soo gelaayay intaad mooshin ku xaraashtaan oo aad dhaameel waydaarsataan in guryahooda lagu gaajoodo iyada oo marka horaba ayna wax ku filan haysan kiinana in lagu dhergo hawfadhiyina. Waxaa idinku wacan lexjeclo laaanta dalkan iyo dadkiisana wax kale maahee waxaa idinku yar raggii u soo dagaalamay ee Duurka u soo galay lkn waxaa idinku jira raggii SNM ku biiray markay dalka soo gashay ee ugu biiiray bililiqo doonka. Waxaan fariin gaara halkan u marinayaa Xildhibaanadii G.saaxil laga soo doortay ee ka aan dhaameel ka waydaarsan xasaanadoodii iyo qofnimadoodiiba gaar ahaana Muj, X/ Axmed ways-cade, x/ Maxamed faarax Qabile , siciid Cilmi Rooble iyo Iwm waxaan leeyahay siciidow way dhaaftay xiligii hadalkee G. saaxil baa lagaaga baahan yahay ee kaalay oo u madaadii la dareen qabso oo horgal haday kugu adkayd xagaasina Mujaahidkaba iska soo horaysiiyo (Wayscade). Kornayl Axmed Waysacadow Cididaa usgageedana lays amaahina mayo, maantay maraysaa Golaha Degaanka ee Degmada Berberana waxaan leeyahay Raggii bacad u soo saarida garab raratada danyarta ah ee soo dooratay dabada ka riixaayey waay garanayaan hadan qaar baabay Qusuro Rabaani ahi la wareegayaan waana lays ogyahay in walawba waxaad dhigataa kuu yaala Bulshada Berbera Dhexdeeda. Bulshada G/saaxilna waxaan leeyahay waan idin hanbalyeynayaa haddi aniga iyo intii ila dareen ka ahayd markii la soo hadal qaaday dhaxal wareejinta ay maantana nagu soo biireen Shaqaale weynihii Dekeda. Kulaylkaa naynu ku garnaqsanaynaa. Marhaday ijiinaduu qarxaan mowdka loosiman Waxaan hadalkayga ku so oaf meerayaa “ walee nin qareenkii reer saaxil yahay baanay rasaasi waxba yeelin oo bad iyo buuro Rabi ku wageershay.