Maxbuus Jeel Ku Jira Oo Ka Qallin-jebiyey Jaamacad Uu Ka Bartay Culuumta Diinta N
March 17, 2017 - Written by Berbera Today
Jeddah(Berberatoday.com)-Nin maxbuus ah oo magaciisu yahay Abdul Rahman, una dhashay dalka Sucuudiga, ayaa ka qallin-jebiyey Jaamacadda Imam University oo uu ka qaatay shahaadada koowaad oo uu ku diyaariyey culuumta diinta islaamka ah ee aasaasiga ah.

Maxbuuskan oo da’diisu tahay 42 jir, kuna jira jeel ku yaal dalka Sucuudiga, waxa uu ka mid yahay 114 maxbuus oo markii ugu horraysay iyagoo xabsi ku jira qallin-jebiyey. Waxa uu rajaynayaa inuu waxbarashadiisa sii wato inta xukunkiisa uga hadhay.