Masuul Ka Tirsan Xukuumada Madaxweyne Siilanyo Oo Ku Tiraabay In Uu Hawda Soo Galin Doono Shabakad Lagu Faafiyo Ceebo Iyo Fadeexado Loo Samayn Doona Saxaafada Madaxa Banaan Ee Somaliland
March 18, 2017 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Gudoomiyaha Haaya’ada Abaabul ka saarka ee magacabeeda loo yaqaano DNC Muddane Ibraahim Raabi isla markaana hore u ahaan jiray xoghayihii hore ee dawlada Hoose oo halkaas siyaasada ka soo galay ayaa waxaa uu shaaca ka qaadey in uu dhawaan hawda Soo galin doono shabakad uu ku aflagaadeynaayo qaar ka mid ah saxaafada Madaxa Banan Somaliland.
