Alan Shearer Oo Aaminsan In Ciyaartoyda Arsenal Ay Qiyaaneen Arsene Wenger Marka Laga Reebo Alexis Sanchez.
March 19, 2017 - Written by berberatoday berberatoday
Alexis Sanchez ayaa ah xiddiga kaliya ee wali doonaya inuu badbaadiyo tababare Arsene Wenger ayuu yiri halyeyga qaranka England ahna gooldhaliyaha ugu sareeya Premier League-ga isagoo ka dhawaajiyay in lagu eedeyn karo guuldaradii West Brom ciyaartoyda kooxda.
Gunners ayaa guuldaro kala kulantay West Bromwich Albion kulan shalay ka dhacay The Hawthorns taasoo cadaadiska kusii kordhisay Arsene Wenger balse Shearer wuxuu qabaa inana macalinka reer France lagu eedeyn karin wixii dhacay.
“Waxaa jira wadahadal badan oo dhanka saxaafadda ah, kana imaanaya falanqeeyayaasha kaas oo ku saabsan mustaqbalka Arsene Wenger” Ayuu yiri Shearer oo ka qeyb galayay barnaamijka Match of the Day.
“Ma jiro wadahadal badan oo uu la sameeyo ciyaartoyda, balse ciyaartoydiisa waxey ka hadleen maanta kulankooda, waxaana lagu xukmin karaa qaab ciyaareedkaas iyo qaab ciyaaredyadii dhawaanahaan ineysan macalinkooda la dooneyn shaqadaan” Ayuu yiri Shearer mar kale.
Shearer oo aad moodo inuu ka murugeysnaa waxa ay ciyaartoyda Gunners ku sameynayaan macalinkooda wuxuu shaaca ka qaaday in ciyaartoyda ay lumiyeen jaceylkii, dagaalkii iyo falcelintii taasoo keentay iney ku qancaan natiijo xumada kooxda marka laga reebo Sanchez.