berberatoday.com
TAARIIKH! Man United Oo Noqotay Kooxdii Ugu Horeysay Ee Badisa 600 Kulan Premier League – Kooxahee Ku Soo Xiga?
March 19, 2017 - Written by berberatoday berberatoday

Kooxda Manchester United ayaa maanta gashay taariikhda Premier League ka dib markii ay noqdeen kooxdii ugu horeysay ee badisa 600 kulan taasoo rikoor cusub u ah horyaalka.

United ayaa horyaalka Premier League ciyaartay 951 kulan waxa ay badiyeen 600 kulan oo ka mid ah, waxaa mudadaas laga badiyay 147 kulan halka ay barbaro galeen 204 kulan.

Waxa ay 83 guul ka badan yihiin kooxaha ku soo xigta waana Arsenal oo badisay 517 kulan oo Premier League, halka Chelsea ay ku jirta kaalinta 3aad iyagoo badiyay 508 kulan oo Premier League, Liverpool waxa ay badisay 472 kulan.

Tottenham iyo Everton ayaana dhameystiraya lixda kooxood ee ugu guulaha badan kulamada Premier League.

Kooxaha Ugu Guulaha Badan Kulamada Premier League:

Manchester United: 600
Arsenal: 517
Chelsea: 508
Liverpool: 472
Tottenham: 390
Everton: 346

Lixda boqol guul ee Premier League ee ay Man United maanta gaartay 528 kulan oo ka mid ah waxa ay la gareen tababare Sir Alex Ferguson, 17 guul waxa ay la gaareen tababare David Moyes, labo guul waxa ay la gaareen Ryan Giggs, 39 guul waxa ay la gaareen Louis van Gaal, halka Mourinho uu marayo guushiisii 14aad ee Premier League ee Man United.

Red Devils ayaa sidoo kale ah kooxda ugu guulaha badan tan iyo markii Premier League la sameeyay 1992dii, iyagoo ku guuleystay 13 koob oo horyaalka ah.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews