War Deg Deg Ah”Halkan Ka Akhriso Qaybtii Labaad Ee Magacyada Dadkii Diyaaraddu Ku Duqaysay Xeebaha Dalka Yeman Inta Dhimatay Iyo Inta Dhaawaca Ah Iyo Kuwo Xabsiyada La Xidhay
March 19, 2017 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)–Shabakada wararka Berberatoday.com oo labadii cisho ee u danbeeyeyba ku mashquulsanayd daba galka iyo soo helitaanka magacyada dhalinyaradii Doonta saarnaa ee Maalinkii Jimcaha ay diyaaraddu ku duqaysay xeebaha dalka Yamen wakhti ay ku socdeen sida la sheegay dalka Sudaan ayaa waxaan idin soo gudbinaynaa qaybtii labaad ee magacyada dhalinyaradaasi.
Waxaana dhalinyaradan ay ahaayeen kuwo u badna Reer Somaliland gaar ahaana gobolada Togdheer,Sool Iyo Maroodi-jeex.
Dhalinyaradan oo doon ay saarnaayeen ay diyaaradda nooca qumaatiga u kaca ah ay gantaal la beegsatay ayaa dhimashada dadkaasi ay kor u dhaafeen 30 iyaga oo la sheegay in ay yihiin 40 qof oo dhimasho ah.