Siyaasi Aadan Suldaan Cabdiraxman Suldaan Diiriye oo kamid ah Hoggaanka Sare ee Xisbiga Waddani ayaa Sheegay Inuu Waraaqo Qoraal ah u Gudbiyey Boqortooyadda Ingiriiska, Kana Hadlay Xidhiidhkii ka dhexeeyey Qoyskooda Reer Suldaan iyo qoyska Boqorradda Ingiriiska Xilligii Gumeysiga…
March 20, 2017 - Written by berberatoday berberatoday
Siyaasi Aadan Suldaan Cabdiraxman Suldaan Diiriye oo kamid ah Hoggaanka Sare ee Xisbiga Waddani ayaa Sheegay Inuu Waraaqo Qoraal ah u Gudbiyey Boqortooyadda Ingiriiska, Kana Hadlay Xidhiidhkii ka dhexeeyey Qoyskooda Reer Suldaan iyo qoyska Boqorradda Ingiriiska Xilligii Gumeysiga…
London(Berberatoday.com)-Siyaasi Aadan Suldaan Cabdiraxmaan oo kamid ah hoggaanka sare ee Xisbiga Waddani, oo hadda safar shaqo ku wehelinaayey Musharraxa Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Cirro oo ku sugan Ingiriiska, ayaa sheegay inuu dawladda Biritan u gudbiyey Waraaqo uu ku Xusuusinaayo Saaxibtimadii Somaliland ee Dawladii Ingiriiska.
Siyaasi aadan Suldaan Cabdiraxmaan oo Aabihii Suldaan Cabdiraxmaan iyo Awoowgii Suldaan Diiriye ahaayeen, Sallaadiintii sida dhow ula shaqeyn jiray xiligii Ingiriisku Somaliland gumeysan jiray, ayaa dawladda Ingiriiska xasuusiyey saaxibtimadii ay Somaliland la lahayd, sidoo kale xidhiidhkii ka dhexeeyey qoyska reer Boqor ee Dalkan Ingiriiska iyo Qoyska Reer Suldaan Diiriye oo ahaa Saaxibo is fahmay oo lahaa xidhiidh iyo isla jaan-qaad siyaasadeed, maadaama oo ay ahaayeen laba qoys oo boqortooyo ah. Waxa kaloo uu ka hadlay casuumadii Xisbiga Waddani iyo Musharraxiisu ka heleen, isla markaana kaga Khudbadeeyeen xarunta loo yaqaan chatam House e London.
Siyaasi Suldaan Aadan Suldaan Cabdiraxmaan ayaa sidaas ku sheegay qoraal aad u kooban oo u ku baahiyey bogiisa Facebook, kaasoo u dhigan sidan. “Waad salaamantahiin dhamaan Reer somaliland Bacda salaan Waxaan maanta u gudbiyay waraaqo qoraal ah iyo dhugmant cadaynaaya saaxiibtinimo ee u dhaxaysa somaliland iyo UK wakhtigii ka horaysay 196ogii, waxaana ka mid ahaa Q m c medal oo Boqorada ingriisku siisay Aabahay iyo My father raximahu laa oo siiyay Gold nicles to the Queen , xasuusahaa baanu iswaydaarsanay madaxdii chatam House e London”.