Horjoogaha Jabhada Khaatumo Cali Khaliif Galaydh Oo Shalay U Dhoofay Jabuuti, Una Sii Gudbaya Imaaraadka Oo Wefti Somaliland Ahi Joogaan
March 20, 2017 - Written by Berbera Today
Laascaanood(Berberatoday.com)-Hoggaamiyaha Kooxda Khaatumo Dr. Cali Khaliif Galaydh, ayaa Shalay ka dhoofay garoonka diyaaradaha ee magaalada Laascaanood Xarunta Gobolka Sool.
Galaydh ayaa waaberigii Shalay gaadhey magaalada Laascaanood, halkaas oo uu ka raacay Diyaarad geysay Dalka Jabuuti, waxaana la sheegay in uu uga sii gudbi doono dalka Imaaraatka Carabta.
Safarka Galaydh ayaa la sheegay in uu daba socdo wada-hadaladii u socday Dawladda Somaliland iyo Kooxda Khaatumo, kuwaasi oo dhawaan yeelanaya kulankoodii Afraad, inkasta oo aanay labada dhinac ee Somaliland iyo Khaatumo midna aanay ka hadal arrintan Waddanka ay ka dhacayaan.