berberatoday.com
Sir Culus Oo La Helay”Shirkadihii Ka Shaqayn Lahaa Dekeda Berbera Iyo Dhismaha Saldhiga Ciidan Oo La Qeybsaday,Faysal Cali Waraabe Oo Qeyb Qaatay Iyo Baashe Morgan Guud Ahaan Beelaha Subeer Awal Iyo Habar Yoonis Uga Dhaartay Inay Hal Shirkad Yeeshaan
March 20, 2017 - Written by Berbera Today

Dubai(Berberatoday.com)-ugu Yaraan 120 shirkadooda oo ka shaqayn doona Dekeda Berbera iyo Dhismaha Saldhiga Ciidan Iyo Waliba Dhismaha Deked Dalalka Isutaga imniraatka Iyo Masar ku yelan doonaan Berbera ayaa qeydhinka lagu qeybsaday.]

Shirkadahaas oo intooda badan ay qaateen Dad ka soo jeeda Beesha Madaxweyne Siilanyo ayaa waxa intooda Badan qaatay wiilka Madaxweyne Siilanyo Sodoga uyahay iyo Wasiirka Madaxtooyada somaliland Maxamud Xaashi Cabdi, sidoo kale waxa isagana laaluusha ahaa loo siiyay sadex shirkadooda oo dhisme iyo qalabayn isugu jira Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Faysal Cali Waraabe oo hada ku sugan dalka Colombia si uu shirkado mafiya ah heshiis ula soo galo.

Shirkadaha la qeybsaday ayaa waxa ay ka kala shaqayn doonaan dhismayaasha,biyo galinta,Dab galinta, CC Camaraha,Securityga. kuwo ka shaqayn doonaa cilmi baadhista, kuwo9 kaloo maamuli doona shaqaalaha kala duwan ee Dekeda oo loo kala qeybin doono ilaa toban qeybood oo muruqmaal iyo kuwo kaloo ku shaqayn doona Xafiisyada iyo waaxyabaha Farsamada waxaana mashruuc shaqaalaha lagaga qaadan doonaa shirkada DP World oo ku wareejin doonta shirkadaha la soo samaystay sida qorshuhu yahay iyada oo heshiiska ay shaqaaluhu ku shaqayn doonana shirakadaha samayka ahi la gali doonaan DP World kadiba shaqaalaha heeshiis yar oo biic jaban ay iyaguna ka saxeexan doonaan.

Waxa kaloo shirkadaha la qeybsaday kamida kuwa ka shaqayn doona Servay laga qaado doono goobaha ay ciidamada huwanta sucuudigu dagi doonaan ee Saldhiga laga dhigi doono iyo kuwo dhisi doona Dekeda weyn oo Ciidamada isbaahaysiga sucuudigu isticmaali doonaan iyaga oo kaga duuli doona Dalka Yeman iyo Jabhada Xuutiyiinta.

Marka Laga reebo Sadexda shirkadood ee lagu laaluushay Faysal Cali Waraabe dhamaan shirkadaha ayaa waxa intooda Badan qaatay rag ay hogaaminayaan wiilka Madaxweyne Siilanyo Sodoga Uyahay ee Wakiilka Somaliland uga ah dalka isutaga Imiraatka Carabta Baashe Morgan,Wasiirkada Madaxtooyada Maxamud Xaashi Cabdi Iyo Wasiir Cali Mareexan oo dhamaantooda kasoo jeeda Beesha Madaxweyne Siilanyo kuwaas oo ay xitaa kamid yihiin Ganacsato beeshaas Madaxweyne Siilanyo kasoo jeeda oo la yaqaano oo aanu Magacyadooda Gadaal kasoo sheegi doono.

Waxa Layaab noqotay in shirakadaha shaqooyinkii dalka oo dhan qaban doona xitaa hal shirkad looga diiday ganacsatada iyo dad kale ee kasoo jeeda beelaha Subeer Awal iyo Habar Yoonis waana xog rasmiya oo aanu ka helay shaqsiyaad ku sugan dalka Isutaga imiraatka Carabta oo goob joog ka ahaa goobta shirakadaha lagu qeybsanaayay iyada oo magacyo been abuura oo aan jirin la samaysanaayay.

Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Faysal Cali Warabe ayaa wakhti xaadiurkan ku sugan dalka Colombia oo lagu yaqaano dal ay ka taliyaan dad maafiya ah waxaanu ka raadinayaa shirkado been abuura oo uu lacagaha ay Dawlada Isutaga Imiratku ku bixinayso mashaariicda dhismayaasha uu ku boobo.

Xogtaha Rasmiga ah ee aanu helnay ayaa waxa ay sheegayaan in hal shirkad looga diiday shirakadahaas Gudoomiyaha ahna Musharaxa Xisbil Xaakimka Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo shaqsiyaad isaga ku xidhan oo dalka Ingiriiska Dagan oo hore loogu balan qaaday in shirkadahaas wax laga siin doono si cad ay ugu diideen Baashe Morgan Iyo Maxamud Xashi, Waxa kaloo kamida dadka loo diiday inay shirakadahaas wax ku yeeshaan Masuuliyiin Xisbiga Kulmiye katirsan oo dalka Inbgiriiska Ku dhaqan oo ganacsato ubadan kuwaas oo kasoo jeeda Beesha Sacad Muuse ee Subeer Awal.

Dadkan ku xidhan Musharax ahna Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Mujaahid Muuse Biixi Cabdi kana tirsan Xisbigaas  ee qaarkood yihiin hawlwadeeno Xisbiga Ushaqeeya ee loo diiday inay hal shirkad ku yeeshaan shirakadahan oo damacsanaa sida la sheegay inay warbaahinta ka hadlaan oo kashifaan talaabooyinka guracan ee lagula kacay ayaa waxa afka qabtay oo ku qanciyay in aanay hadlin Musharax Muuse Biixi Cabdi oo ku tiraabay in isaga loo jeedo oo lagu xumaynayo waxa lagu sameeyay lana doonayo inuu kaco oo laga takhaluso taas bedelkeedana waxa uu ku qanciyay dadkaas beeshiisa kasoo jeeda in aanay talaabo arimahaas lidi ku ah qaadin hase yeeshee ay aarsan doonaan wakhti kale,

Waxa kaloo jira Shaqaale tira Badan oo Dawlada Isutaga Imniraatku Qaadan doonto oo Dalkaas la gayn doono kuwaas oo ilaa bilihii udanbeeyay la liistaynaayay lagana qoraayay dalka debnediisa iyo gudihiisa waxaana shaqaalahaas dhamaantood laga dhigay dad kasoo jeeda Beesha Madaxweyne Siilanyo ee Habar Jeclo waxaana sidaas ku taliyay Wasiirka Madaxtooyada Maxamud Xashi Cabdi, Wasiir Cali Mareexaan Iyo Wiilka uu Madaxweyne Siilanyo sodoga Uyahay ee Baashe Cawil Morgan.

shaqalaahasaa oo ka shaqayn doonoa shirakadaha waaweyn ee dalka Isutaga Imiraatka ayaa dufcada horeysaa noqon doonaan (2000) oo ruux oo dhalinyaro ubadan kuwaas oo sida Masuuliyiinta Beesha Madaxweyne Siilanyo kasoo jeedaa qorsheeyeen noqon doona dhalinyaro kasoo jeeda Beeshooda oo laga kala keeni doono Deegaamada Gobolka Togdheer iyo barigiisa iyo in kooban oo laga keeni doona Dalka Ingiriiska.

Waxa kaloo Layaab iyo ama kaag noqotay in aan hal shirkad oo dadka Deegaanka Gobolka Saaxil leeyihiin shirkadahaas lagu darin wax allaale iyo wax laysaga tiranayo beeshan Gobolkan ilaahay ku abuurayna aany jirin haba yaraatee,

Goordhaw Filo Magacyada shirkadaha Been Abuurka ah Ee ay dalka Ku Boobayaan Baashe Morgan,Wasiir Maxamud Xashi Iyo Faysal Cali Waraabe.

 

 

 

Berberatoday.com

Dubai Staff

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews