berberatoday.com
Waalidiinta Dhallinyaradii Diyaaraddu Ku Xasuuqday Badda Yemen Oo Hadlay Iyo Dareenka Aabbo Uu Wiilkiisii U Dambeeyay Ka Mid Ahaa
March 20, 2017 - Written by Berbera Today

Laascaanood(Berberatoday.com)-Qaar ka mid ah Waalidiinta dhalay Tobaneeyo Dhallinyaro reer Somaliland ahaa oo habeenkii Jimcaha ee Toddobaadkan ku Geeriyooday Badda Dalka Yemen, ka dib markii Diyaarad nooca qumaatiga ku kaca ahi duqeysay Doontaasi oo ay la socdeen Dad Tiradooda lagu sheegay 145.

Warka WaalidiintaDuqeynta Diyaaraddu u geysatay Doonida ayaa waxa ku Geeriyooday Dad tiradooda lagu sheegay 42, kuwaasi oo u badnaa Dhallinyaro Rag iyo Dumar ah isla-markaana badankoodu dhashay Somaliland, waxaana ku dhaawacmay tiro kale oo aan la xaqiijin.

Geeridan Dhalliyarada oo aad looga dareemay Gudaha Somaliland, ayaa waxa ka hadlay qaar ka mid ah Waalidiinta dhalay qaar ka mid ah Dhallinyarada Geeriyooday, waxayna si murugo badan leh uga hadleen Geerida ku timid Carruurtooda diyaaraddu ku laysay Badda Dalka Yemen.

Sahra Cismaan Cashuur oo ah Hooyada dhashay Gabadh Magaceedu yahay Xabsa Cumar Yagoori oo ka mid ah Dhallinyarada Laascaanood ka tahriibay ee duqeyntan ku dhintay, ayaa iyadoo Warbaahinta uga warramaysa dareenkeeda waxay tidhi “Waxaan ahay Xabsa Cumar Yagoori hooyadeed, Xabsa waxay halkan igaga tagtay bishii labaad tobankeedii, markaan dhowr iyo toban Maalmood ka war la’aa ayay igala soo hadashay Yemen. Bishan 3-deedii ayay igu tidhi waxaan u baxayaa Suudaan, waxayna igu tidhi waxaad ii soo dirtaa Lacag aan siisto Jaakeed, dabadeedna waxaan u diray 50 Dollar. Haddana waxay igu tidhi qoladii Doontu waxay iga rabaan 1200 Dollar waxayna Telefoonka igala hadashiisay Nin ka mid ah Dadka Tahriibiya Dadka oo joogay Yemen, dabadeedna waan u diray Lacagtii. Habeenkii Khamiista (Toddobaadkii hore) ayay Farriin Qoraal ah iiga soo dirtay Telefoon waxayna igu tidhi ii soo ducee waanu baxaynaaye. ILAAHAY Naxariistii janno haka waraabiyo Xabsa…”

Xaawa Diiriye Jaamac oo Habar-yar u ah Faadumo Yuusuf Haybe oo ka mid ah Dadka la xaqiijiyey inay Duqeyntaas ku dhimatay, ayaa iyaduna iyadoo Laascaanood joogta ka warrantay Dareenkeeda Waalidnimo ee la xidhiidha Geerida Naxdinta leh ee Gabadha ay Habar-yarta u tahay iyo Dadka kale ee la socdayba “Anigu waxaan Habar-yar u ahay Gabadha Magaceedu yahay Faadumo Yuusuf Haybe, Gabadhaasi way Tahriibtay waxaana la iigu sheegay Yemen, laakiin Doontii ay Yemen ka raaceen ayay Hub lala bartilmaameedsaday, waxaana Geerideeda la ii soo xaqiijiyey Jimcihii Toddobaadkan. Faadumo xidhiidh ilama soo samaynin markay ka baxayeen Yemen, laakiin Ibraahim Axmed Saacadaalle ayay Gabadhu kala ambo-baxday Yemen, isagaana ila soo xidhiidhay oo igu imikaanu dhaqaaqaynaa.”ayay tidhi.

Mahad Faarax Jaamac (Mahad-baraar) oo ah Aabbaha Dhalay Wiil lagu Magacaabo Cali-deeq Mahad Faarax oo ka mid ah Dhallinyarada reer Somaliland ee Badda Yemen lagu laayey, ayaa isaguna sheegay in Wiilkaasi ahaa kii ugu dambeeyay 7 Rag ah oo uu Dhalay, balse ee Gacan Binu-aadam ku baxay.

Aabbo Mahad Faarax oo ka warramaya sida uu Wiilkiisu uga tagay Laascaanood isla-markaana ku gaadhay Yemen, ayaa yidhi “Waxa jira Wiil aan dhalay oo la yidhaahdo Cali-deeq Mahad Faarax oo aan Laascaanood ku ogaa, laakiin Dad ka kaxeeyeen Laascaanood isla-markaana geeyeen Yemen ayaa la xidhay isaga iyo Dad kale, dabadeedna way ka soo baxsadeen halkii lagu xidhay, waxayna Yemen ka raaceen Dooni, laakiin waxa helay wax ILAAHAY u soo diray, waxaana la yidhi Gantaal-baa lagu dhuftay isaga iyo Dad kale oo badanna waxna way dhinteen, waxna way dhaawacmeen.”

Aabbo Mahad Faarax Baraar, wuxuu sheegay in Wiilka kaga dhintay Doonta ay Diyaaraddu duqeysay uu u dambeeyay 7 Rag ah oo uu dhalay, “Cali-deeq Mahad Faarax wuxuu u dambeeyay 7 Nin. 7-daa Nin Sabab binu-aadam bay ku baxeen, markaa Reerka Raggiisii halkaas ayay isku raaceen (oo way dhinteen), kaasaana u dambeeyay. 73 Jir baan ahay waxaas ayaa ila kulmay, waana wax ILAAHAY.”ayuu yidhi.

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews