Heshiiska Wadada Berbera Corridor Waxa Uu Ka Mid Ahaa Heshiiskii DPWorld- lala Galay Maxaa Hadana Soo Celiyay Ee Heshiiska Saldhiga Loogu Soo Daray?
March 21, 2017 - Written by Berbera Today
Dubai(Berberatoday.com)-Waxa soo baxaaya is khilaafka ay xukumadda Somaliland la gashay shalay dawlada Imaaraadka sida ay baahiyeen waftigii xukumadda Somaliland ka socday ee ku sugan dalka Imaaraadka, iyo heshiiskii ay hore ula gashay Somaliland shirkada la wareegtay maamulka iyo gacan ku haynta dekada Berbera ee DPWorld.
Is khilaafka iyo muranka xoogani waxa uu ka dhashay markii heshiiskii DPWorld ee ay xukumaddu la gashay uu u dhignaa isla heshiiskani ay Somaliland shalay la gashay wasaarada gashaandhiga ee dalka Imaraadka Carabta, labada heshiis ee kii shalay iyo kii DPWorld waxa ay yihiin kuwo isku qodobo ah, tusaale ahaan labada heshiis waxa ay soconayaan 3o sano, waxa ay labaduba dhisayaan jidka isku idha Berbera iyo Wajaale oo dhan 241 kms, waxna ay iskaga mid yihiin oo kale caawimada Somaliland la siinaayo sida caafimaadka,waxbarashada u fudayynta shaqaalaha Somaliland ee u shaqo atagaaya dalka Imaaraadka, isku soo wada duuboo labada heshiis waxa ay ku kala duwanaayeen in magaalada Berbera lagu soo kordhin doono madaar cusub.