berberatoday.com
Niman Daroogo La Walaaqay Cabbay Oo Midkood Dhintay, Mid kale Oo Sakaraad Ah Iyo Booliska Burco Oo Ka Warramay
March 22, 2017 - Written by Berbera Today

Burco(Berberatoday.com)-Hal Nin ayaa ku dhintay, Mid kalena Dhakhtarka ayaa la dhigay, ka dib markii ay Waxyaabo Maandooriyeyaal ah oo la isku qasay ay cabbeen magaalada Burco xalay, waxaanay Ciidammada Boolisku gacanta ku soo dhigeen Ninkii ka dambeeyey walxaha la isku qasay ee Khamri ahaanta loo cabbay, sida ayuu sheegay Taliyaha Qaybta Booliska gobolka Togdheer.

Niman Daroogo La Walaaqay Cabbay oo Midkood Dhintay, Mid kale oo Sakaraad ah iyo Booliska Burco oo ka Warramay 2017

Taliyaha Qaybta Booliska Cabdi Muuse Cabdillaahi, ayaa ka warramay Maanta Shir Jaraa’id oo uu ku qabtay Xafiiskiisa magaalada Burco kaga warbixiyey dhacdhadaas. Waxaanu yidhi; “Xalay Qaar ka mimd ah Dadkii Cabbi jiray Khamriga markii uu magaalada ka yaraaday inay isku sameeyeen inay qastaan wax ay isku dardareen oo Isbiirto, Tiindhar iyo wax ay isku dardareen in ay cabbeen oo Nin xalay ku dhintay, mid kalena uu xanuunsanayo oo uu Dhakhtarka ku jiro, Eedaysanihii lagu eedaynayeyna aannu soo xidhnay, baadhistii dhacdadaasna Ciidanka Booliska ayaa gacanta ku haya.”

“Arrimahaasi waxay ka mid yihiin, waxyaabaha xunxun ee Dadka qaarkii ay caadaysteen, mar ay Khamri qastaan, mar ay Isbiirto qastaan iyo mar ay Xabag cabbaan-ba. Dadka waxaannu uga digaynaa waxaa innagu soo kordhay ee dhimashadeedii u horreysay ay immika Boolisku baadhayaan, wixii Dhakhtarka ka soo baxana aannu Bulshada u soo gudbin doonno.” Sidaa ayuu yidhi Taliyaha Qaybtu.

Taliyaha Qaybta Booliska gobolka Togdheer Cabdi Muuse Cabdillaahi, oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray oo yidhi; “Waxaannu leenahay inkastoo daroogo aanay marna fiicnayn, halla iska ilaaliyo wixii caafimaadka wax yeelaya. Ninka iibinayey waa Hal Nin oo la wada yaqaan, waanannu soo xidhnay oo baadhista kiiskiisa gacanta ayaannu ku haynaa.

Waxaannu Taliyaha oo arrimahaas ka hadlaya, Baaqna diraya, idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews