|
berberatoday.com
Sir La Helay”Wasiir Maxamud Xaashi, Cabdikariin Xinif Iyo Xildhibaan Ibraahin Caraale Ruush Oo Damacsan Inay Berbera Kusoo Daabulaan Dad Taageeraya Talaabooyinka Xukumada Siilanyo Ku Wareejisay Dekeda Berbera Iyo Saldhiga Ciidan+Isku Dhac Bulsho Oo Ka Iman Kara
March 22, 2017 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Maxamud Xaashi Cabdi, Agaasimaha Guud Ee Komishanka Cudurka Aids Cabdikariin Xinif Iyo Xildhibaan katisan Golaha Wakiilada Somaliland oo Magciisa lagu sheegay Xildhibaan Ibraahim Caraale(Ruush) oo kasoo jeeda Beesha Madaxweyne Siilanyo ayaa abaabul xoogan ugu jira sidii ay magaalooyinka Burco iyo caynaba uga soo daabuli lahaayeen dad kasoo jeeda beesha Madaxweyne Sioilanyo kuwaas oo daabulkood Berbera lagu keeni doono,

Ujeedada dadkan loogu soo daabulayo Berbera ayaa waxa lagu sheegay sidii magaalada Berbera ee waaydan danbe dadkeedu kacsanaayeen ee ay kasoo horjeedeen talaabooyinka guracan ee ay Xukumadsa Madaxweyne Siilanyo kuhayso dad kaloo kasoo horjeeda oo taageera Xukumada Gobolka Saaxil ama magaalada Berbera looga heli lahaa,

Waxaana Hindisahan keenay oo lahaa Wasiirka Madaxtooyada oo fulinaya amaro culus oo kaga imanaaya Wiuilka Madaxweyne Siilanyo Sopdoga uyahay ee Baashe Morgan,
Shir habeen hore ka dhacay Hutel Ambasador ayaa lagu go,aamiyay arinkan waxaana shirkaas gadh wadeen ka ahaa sida ay sheegayaan xogaha aanu helnay Wasiirka Madaxtooyada Maxamud Xaashi Cabdi Iyo Agaasimaha Guud ee Komishanka Cudurka AIDSKA Somaliland Cabdikariin Xinif,waxa kaloo iyaguna wehelinaayay oo shirkaas goob joog ka ahaa Ganacsato iyo Masuuliyiin badan oo kasoo jeeda Beesha Madaxweyne Siilanyo kuwaas oo damacsan ama isleh umada tuisa inaad deegaan Berbera ka tihiin xukumadiinana ka taageeri kartaan iyaga oo dad kasii daabulaya Bariga Burco iyo Caynaba.
Xogtan oo aanu ka helay ilo xogogaal ah oo ka agdhaw Masuuliyiintan islamarkaana kasoo jeeda beeshooda ayaa la damacsan yahay in maalmaha soo socda Berbera laga sameeyo iyada oo dadka la soo daabulayana si hoose oo aan la dareemin loo keenayo Berbera.
Xogta Rasmiga ah ee aanu helay ayaa waxa ay sheegaysaa In Wasiir Maxamud Xaashi Iyo Cabdikariin Xinif damacsan yihiin sidii ay dadka ay soo daabulayaan ee Talaabooyinka guracan ee xukumada taageeraya iyo Shacabka reer Saaxil isu fara saari lahaayeen Marka ay taageerada bilaabaan halkaasna ay ka bilaabanto ku garnaqsi deegaan oo udhaxeeya Beesha Bariga Burco ee Madaxweyne Siilanyo iyo Beesha Deegaanka Gobolka Saaxil sidoo kalebna ujeedada kale ay leeyihiin ayaa ah inay umada si indho sarcaada ustusaan inay Berbera Beesha Madaxweyne Siilanyo barigeeda dagan tahay arinkaas oo aanay waxba ka jirin haba yaraatee,
Masuuliyiinta Iyo Ganacsatadan dhamaantooda kasoo jeeda Beesha Madaxweyne Siilanyo ee Bariga Burco ayaa isu bahaystay hadimada iyo isku dhufashada shacabka Somaliland ee ilaahay midba meel ku abuuray iyaga oo wata Siyaasiyiintani dareen siyaasadeed oo qabiilaysan.

Iyada oo Xogtan Rasmiga ah la helay ayaa waxa la eegayaa bal sida qoprshahaasi ufulo iyada oo Beesha Deegaanka Gobolka Saaxilna dhegtoodu taagantahay qorshahan ay insha kuhayaan lana socdaan in la soo wado.
Berberatoday.com
London Staff
COMMENTS
|