War Deg Deg Ah”Xaalada Berbera Oo Caawa Kacsan Iyo Ciidamada RRU Oo Magaalada Gaaf Wareegaya+Cabdikhaalaaq Awal Bari Oo La Xidhay
March 22, 2017 - Written by berberatoday berberatoday
Berbera(Berberatoday.com)-Ciidamada sida gaarka ah u tabobaran ee RRU-da oo Habeenadii u dambeeyey gaaf wareegaayey Wadooyinka halbowlaha ah ee Xarunta Gobolka Saaxil ee Berbera ayaa saacado kooban Caawa Xabsiga u Taxaabay Mid kamid ah Haldoorka dhalinyaradda Gobolkaas oo lagu magacaabo Cabdikhaliq Cabdi Cabdilahi oo ku magac dheer Awal Bari.
Haldoor Cabdikhaliq oo ku hadlaayey telefoonka Gacanta markii Ciidamada RRU-du ka kaxaysatay Makhaayadda Batalaale ayaa la sheegay inay Ciidamadu ku qabsadeen hadal kasoo yeedhay markuu ku hadlaayey Mobelka, hadalkaas oo sida ay sheegeen dadka ag dhowi, ayaa ahaa “Sheeko”. Weedhaas oo sida la sheegay ay ka shakiyeen Ciidamada Wadada maraayey. Waxanay shakigoodaasi sababay inay qaab argagax ku ridday bulshadii goobtaas ku sugnayd ay mar kale yaa kusoo xoomee Haldoor Cabdikhaliq awal bari, isla markaana waxa ay markiiba ku qaateen gaadhi qabaal ah oo ay wateen, waxana la sheegay inay meel madow intaa ay geeyeen jeebebka Wiilkaas ay baadheen Ciidankaasi.
Kuwasoo Wiilkaas kasoo saaray Jeebabkiisa Mobelo u sitay iyo Sigaar, waxanay Madowga ku su”aaleen sababta ka yeedhsiisay “Waa Sheeko”.
Waxanay Ciidanku ka dalbadeen in iska tago Haldoor Cabdikhaliq, Hase-yeeshee waxa uu Ninkaasi ku dooday dambiga ay ku kaxaysteen u sheegaan, waxanay Ciidamadu mar kale juujub ugu celiyeen Gaadhigii, iyagoo ku xidhay Saldhigga Jaamalaayee. Balse taliyihii saldhigaas oo aqoon durugsan u leh, Haldoor Cabdilhaliq ayaa Ciidamada ku canaantay inuu Ninkani kamid yahay madaxda gobolka kasoo ku dhawaaqey Waar Miyaydaan Ninkan garanayn Waa Cabdikhaliq awal bari oo Waa Madaxdii gobolkee!.
Waxanu markii dambe sidaas lagu sii daayey Cabdikhaliq Awal bari. Xadhiga Wiilkan dhalinyarada ah ayaa si weyn looga hadal hayey caawa magaaladda Berbera, waxanay dhacdadan dadweynuhuu ku tilmaameen meelka dhac ah. Waxanay qaarkood ku sheegeen cabudhin iyo cago juglayn.
Si kastaba ha ahaatee, Waxa Habeenadan u dambeyey magaalada berbera laga dareemaayey Ciidamo RRU ah, kuwasoo gaaf wareegaayey dariiqyada waaweyn iyo kuwa luuqyada ee magaaladda
Xigasho Xogreebnews