War Sir Ah”Tvga Cusub Ee Saab TV Yaa Iska Leh, Maxaadse Ka Ogtahay Cida Ka Danbaysa
March 22, 2017 - Written by berberatoday berberatoday
Hargeysa*Berberatoday.com)-Tvga cusub ee Saab TV oo dhawaanahan hawada soo galay ayaa ah tv lays waydiinayey maalmihii ugu danbeeyay bulshaduna hadal hayntiisa ay haysay , lagana sheekaynayay goobaha shaaha lagu cabo ,
Warka tvgan ku saabsan oo berbertoday ,com udhaba gashay ayaa waxaa uu nala galay in
Tvga ay maskaxdiisa ka danbeyaan noqonaysaa xisbiga mucaaradka ah ee wadani , kaasi oo waayadanba doondoonayey inuu idaacad tii kulmiye markuu mucaaradka ahaa sameystay oo kale sameysto.
dabadeeto idaacadu waxay kicin doonataa xasaasiyad ayay is yidhaahdeen waxaaney uga wareegeen dhinaca tvyada oo waliba foodsaaro laga dhiganayo niman wariyaayaal ah oo aan siyaasada ku jirin looguna eekeysiiyey privete tv.