War Yaableh>/ Nin iyo Naagtiisa oo Laba jago oo Wasiiro ah soomaaliya looga magacaabey iyo Raysal wasaaraha oo lala yaaban yahay miyaanu isku aqoon mise wuu khaldamay
March 22, 2017 - Written by berberatoday berberatoday
Cajiib Soomaliya Nin iyo Naagtiisi oo Nasiib u Helay Xilal Wasiirnimo Dawlada Muqdisho.. Raysal Wasaare Khayre Ma Aqoon la”aan ayuu Qoyskaan ku Magacaabay?. Akhri Magacyada labada Wasiir iyo Beelaha ay Kasoo Jeedan
Muqdisho(Berberatoday.com)-Golaha wasiirada ee uu Magacaabay Ra’iislwasaare Xasan Cali kheyre ayaa waxaa ku jira lamaanayaal is qaba.
Lamaanahan is qaba ee la magacaabay ayaa lagu kala magacaaba Saalim Caliyoow Ibrow oo ah Wasiirka Korontada iyo Biyaha kana soo jeeda Beesha Digil/Jiido iyo Xaaskiisa Khadiijo Maxamed Diiriye oo iyana Loo Magacaabay Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha kana soo jeeda Beesha Shanaad (Yaxar).
Arintaan ayaa waxaa si aad ah looga hadal hayaa baraha Bulshada iyaga oo dadka Soomaaliyeedna si aah u hadal haya Labo Wasiir oo is qaba oo kamid Noqday Golaha wasiirada Soomaaliya.