|
berberatoday.com
Abwaan Xiis Maxamed Cilmi(Shanfool)Oo Maanso Layidhaa MUDUC IYO MADAACALAY Kaga Qeyb Galay Silsilada Miimiileyda Halkan Ka Akhriso
March 24, 2017 - Written by Berbera Today
Berbera(Berberatoday.com)-Abwaan Xiis Maxamed Cilmi Shanfool ayaa Maanso Layidhaa MUDUC IYO MADAACALAY Kaga qeyb galaya Silsilada Miimileyda ee dhawaan dhalinyarada abwaaniinta ah reer Somaliland Bilaabeen. Waxaanu Yidhi
Murti shilis alkumideed.
Maansooyin lala dhaco.
maahmaah ku ladhideed.
suugaan leh miisaan.
beryahaaba madal iyo.
goleyaal kamaan marin.
afka midho kamaan tirin.
fikirkaygu moorada.
saadaasha maqan iyo.
Xidigaha maluugaha.
meeraha ma faalayn.
imikana maqaalada.
muhashadu canqarisaye.
Inkastood mushkiladaa.
dadkan loo micneeyoo.
laga Siiyo midigtoo.
loo furo mederado.
In yarbaa maqlaysoo.
dheg musbaar ku go,anyoo.
Godka mirir ka buuxsamay.
hadal lama marsiiyoo.
Dadku wuu Mel melan yahay.
Afartaa madluunkiyo.
kaga gudub muraad li,i.
Afar kalena miish miish.
Ku astee musiibada.
miimleyda curatiyo.
silsilada muhiimka ah.
majaharaha qaniinsii.
Maansadu haday tahay.
Muduc iyo madaacalay.
Maqan yahay garsoorkuna.
Tixdu muunad wayoo.
milicsaday abwaanadu.
Xikmadooda miida ah.
inay muhindiskoodii.
Moogaha u tabiyeen.
Aniguna makhraatiga.
Waxa aan u marag furay.
Murdisada intii tidhi.
Maalkii dadweynaha.
Madhiyoo wax kama tegin.
Waxa meesigeenii.
Madax looga dhigay bahal.
Uus miiranayoo.
Inta uu macaankiyo.
Ka idlaystay muudkii.
Miciyuhu engeginoo.
Xinjirta iyo mililkuu.
Mar kolkuu cantuugaba.
Hadba soo matagayoo.
Maandeeq cadkeeduu.
Iska muqumadaystoo.
Maraqeeda naaskii Melefsiga ibteediyo.
Candhadeeda muudsaday.
Nirigtiina maandhoow.
mudan hooyadeedoo.
boqol jeer la mayracay.
xooxdii macaanayd.
Waa laga mamnuucoo.
Gaajay madluun tahay.
Dan yar mahayo moogiyo.
Maxastiyo carruurtuna.
Kama helin magaabiyo.
Mar waxay caluuntaan.
ALLA magane qarankii.
Masas iyo abeesiyo.
Dulinbaa mijaha iyo.
Ilaa madaxa raacoo.
Dhurwaa midha midhaystaa.
Xoolaha miscirirtiyo.
Muska kala dhacayoo.
Habeen mirasho daayoo.
Duhur maalin waynuu.
mayd-kooda badiyoo.
Midh fayoobi kuma jiro.
hantideeni madhax iyo.
loo diid maslaxadii.
midnimada sinaan guud.
dheefaha maxsuulka ah.
sida laba mataano ah.
lagu maali laayoo.
Waxa helay macaash doon.
hoo laga martiyo iyo.
Iska daa muquuno’e. mooryaantu keligood.
xubintii macaataba Iyagaa madiiliyo.
midiyaha ku qaybsada.
mooraalka shacabkuna.
murugada xanuunkay. maskaxdoodu diidoo.
mooryaanta ruuxii. dhaca maya yidhaahdana.
Makhribkaa la xidhayaa. maankii fayoobaa.
ciilbuu la madow-yoo.
Musuq maasuq waxa dhacay.
dalki marin habaaboo.
maatida abaaruhu.
miyigii ku haysana.
macaluusha caydheed.
wali maaro daayoo.
may helin miciinoo.
lama siin macaawimo.
Ku darsoo magaalada.
dhibta iyo mashaqadani.
si kalay u mudatoo.
sixir barar mushaaxaa.
mawjado ku kiciyoo.
doolarkana matoogii.
milyanbuu ku dhaw-yoo.
muruq maalku caatooy.
Wuxuu maalin-laha helo.
wax maciishad gooyiyo.
miis miis u jari waa.
Inkastoo-se Maygaag.
mucjisadu kun nooc tahay.
maafiyada qaar baa.
muusiga u tumayoo.
Marxabeeye waxa jira.
Mar wuxuu liqiyaayiyo.
Mijin qaada lacagteed.
Dhibta ugu mashxaradoo.
guul wade ku magac dheer.
Xaajadi murkacatoo.
dekedii mudnayd iyo.
marsadii dhaqaalaha.
carabaa mulkidayoo.
mansabyadii la doortee.
metelaayay shacabkiyo.
madashii wakiilada Guurtidi masiibiyo.
Ku astee macaan jecel.
Manfac looga aayiyo.
Meehaabis daayoo.
Xilku waa Maqaar saar.
booliga ku mamayoo.
Mudo korodhsi joogiyo.
maqdac gacan u taag iyo.
mooshino la eediyo.
noqde maamul lagu jabay.
Umad yahay masayr-kii.
laga fara maroojaay.
Idinkoo magtiiniyo.
dhaxalkiini mood yahay.
markadii garoonkana.
cudud waxa kusoo maqan.
milatari hor kacayoo.
godobta iyo mahadhada.
madaafiicda xuutigu.
kolkuu miigagiisiyo.
mishigaanka soo rido.
Waxad magansan doontaa.
minankii amxaarkee.
miinada is daba taxan. hayskaga muraaqoon.
balse macangagiintani.
Kolkay maadhar fuliyaan.
yaad muusanaabine.
waxaan haliso guud maray.
kuu muujay aniguye.
bulshayahay ha moogaan.
Abwaan Xiis Maxamed Cilmi(Shanfool)Berbera somaliland.
COMMENTS
|