berberatoday.com
Raggow Aarsi Haween u Adkaysta Markii-na…!!! Yoolstaff MC Guuleed
March 24, 2017 - Written by Berbera Today
Waa qormo taxane ah oo aanu ku faa’qiddi doono duurufaha iyo xaaladdaha kala gedisan ee Somaliland ku geddaaman, gaar ahaan dhinacyada siyaasadda iyo hab-dhaqanka dawladnimadu keentay, iyo weliba isbedelka ku yimi dhaqanka iyo nolosha guud ahaan bulshadda Marba marka ka danbaysa mudooyinkan u danbeeyay, waxa kusoo siyaadayey masraxyada-siyaasadda Somaliland hab-dhaqano cusub oo ugub ku ah bulshada reer Somaliland, kuwaasoo qaybaha kala duwan ee dadweynaha samir-ku-noolka ah ku noqday mid qulluubta iyo nafahoodii ku ridey darreeno ficil-jidheed [Body-language] leh, oo isugu jira fajac, dhaygag, filan-waa, af-salax ku-dheg iyo quus. Tallaabooyinka hunguri-jabka bulshada ku keenay, waxa ka mid ah kadib markii Indhaha ay ku kala qaadeen dhaqamo iyo ficilo sida hal-ku-dhigii ahaa “Lagu maqal, laguma’se arko”, iyagoo darreensan xanuunka iyo xanaftii kasoo gaadhey cabsidda iyo collaadihii adkaa ee ay soo mareen dabayaaqadda sideetanaadkii ilaa horraanta sagaashanaadka, sidaa awgeed waxyaabaha maanta lasoo dersay waxay u arkayey ma-dhacdo iyo waxa Ibnu-aadamka aan ka suurtoobin. Hase-ahaatee, murti hore-baa odhaahdeedu ahayd, “Carraabo fadhaa-quusiyey”, Shan iyo labaatan sanno kadib bulshadda reer Somaliland halkay ka filayeen inay noqdaan qaran cagihiisa ku taagan oo haysta aqoonsi buuxa oo caalamku kula mu’caamiloodo, waxay Taariikhdu lid-saacad wareeg [Anti-clockwise] hal mar dib-u-xawaareysay meel digriigeedu ka hooseeyo xarraaradihii-siyaasadeed ee lagu jirey sannadihii 1991, 1994, xilliyadaasoo bulshada reer Somaliland inta da’-wadaagta aanu nahay iyo inta ka weyn ee samaha jecel ugu suntanaa sannadihii ceer-yaanta, inksatoo duruufihii waqtigaa jirey marka si loo eego ay ahaayeen kuwo aan cannaan lahayn, isla markaana ay jiraan meelo badan oo xaaladdaha labada xilli ku kala duwan yihiin. Bal’se waxyaabaha ugu yaabka badan ee maanta socda xilligaana ceebta ahaa, waxa kamid ah masuul inta meel loo magacaabo xoolihii ummaddu lahayd ka samaysanaya hanta gaar ah, oo isagu uu leeyahay sida guryo badan oo kuwa kirada ah, waxa kaloo taa kasii cajab badan tuugu markuu wax xaddo dhuunta ayaynu arki jirnay ama Magaalada uu wax ka sameeyay ka safra, waxa’se dhacday maanta oo la arkay Nin ku faanaya hantida xoolaha Ummadda uu ka samaystay. Waa yaabka yaabkii’se, waxa iyana dhacday noloshii bulshada dan-yarta ah oo maalin-ba maalinta ka danbaysa hoos usii dhacaysa iyo mu’ceeshadii oo cirka isku sii shareeraysa, waxa intaa raaca dadweynihii oo intuu damqasho daayey AX-laga la’yahay. Marxuum Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac “Gaariye” oo rabi naxariistiisa ha-ku galladee kamid ahaa shaqsiyaadka suugaanleyda Soomaalida ee bulshadooda la noolaa, dhib iyo dheef waxay qabaana la wadaagi jirey, ayaa dhaxalkii suugaaneed ee uu ka tegay waxa kamid ah Beyd uu ku sharaxayey shaqadiisa iyo cidda uu shaqada u hayo, waxaanu yidhi; “..Wallee qalin-daraalaha, Denbi Qaranka laga galay, Kama qariyo wadhatada..”. Hadabaa annigoon ka been-sheegayn qalinka cidna aan ku gefeyn, waxaan dawaadda afka qalinka u daray intii karaan-kay ah shacbiga inaan u iftiimiyo xogaha arrimahaas intaan ka war-qabo ilaahay-na igula xisaabtami doono aakhiro, inta iftiinka la joogana damiirkaygu cannaanta igu hayo… Lasoco qaybaha danbe oo maalin-le ah
 

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews