War Deg Deg Ah”Qarax Xoogan Oo Iminka Ka Dhacay Magaalada Moqdisho Iyo Khasaaraha Ka Dhashey
March 24, 2017 - Written by Berbera Today
Moqdisho(Berberatoday.com)-Qarax aad u weyn ayaa goor dhoweyd waxaa uu ka dhacay magaalada Muqdisho , waxaana qaraxaas ka soo baxaya warar kala duwan
Daryanka qaraxan oo si weyn looga maqlay magaalada Muqdisho , warar hordhac ah oo soo gaadhaya Warbaahinta waxay sheegayaan inuu ka dhacay agagaarka hotelka City Center oo ku dhow taalada Xaawo Taako.
Warka ayaa intaas ku daraya in gaadhi waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyey oo marayey wadada horta hotelkaas uu si lama filaan ah u qarxay, lamana oga khasaaraha ka dhashay.