Dr Cismaan Cabdi Barkhadle(Shiine)Oo Tacsi Udiray Ehelada Iyo Qoysaskii Ay Ka Baxeen Labadii Haweenka Ahaa Daadka Dooxa Awbarkhadle Qaaday
March 27, 2017 - Written by Berbera Today
Berbera(Berberatoday.com)-Inaalilaah Wa Inaa Ilayhi Raajucuun Dr Cismaan Cabdi Barakhadle(Dr Shiine)oo ahaan jiray Maareeyihii uhore Haamaha Shiidaalka Iyo Gudoomiyhii Xisbiga Kulmiye xiliyadii Doorashadii Madaxweynaha iyo wixii ka horeeyay ayaa waxa uu Tacsi Tiiraanyo leh udirayaa Ehelada Iyo Qoysaskii ay Kabaxeen Labadii Haweenka ahaa ku geeriyooday daadkii qaaday ee kasoo rogmaday Dooxa Awbarkhadle oo kala ahaa Marxuumada Asma Maxamed Yuusuf Iyo Marxuumada Foosiya Maxamed Yuusuf Waxaanu ilaahay uga baryay inuu Labadaa Hablood ee Marxuumiinta ah unaxariisto oo Janooyinkiisa Naciimka ah ugu deeqo danbigoodana dhaafo Samir iyo iimaan Saadiqana ka siiyo qoysaskii iyo eheladii ay kabaxeen alle Ha unaxariistee.